Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay dishay xubin ka tirsanaa Al-shabaab oo muddo ay ku raad joogeen
Talaado, September, 11, 2018
(HOL)–Saraakiisha Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in ay toogasho ku dileen
sarkaal ka tirsanaa Ururka Al-shabaab oo sida ay hadalka u dhigeen in mudo ahba
laamaha amnigu ku raad joogeen.
Sarkaalka la dilay oo la sheegay
in uu ka tirsanaa kooxda amniyaadka oo ka howlgali jiray degmooyinka Yaaqshiid
iyo Huriwaa ayeey toogashadiisan timid kadib markii uu dilay askari ka tirsanaa
ciidamada dowladda mid kalana dhaawac u geystay ka hor inta aysan ciidamadu
toogashada ku dilin.
‘’Ciidamadu waxey doonayeen
markii hore in ay qabtaan oo si nabad ah loo qabto, laakiin wey suurtagali
weyday weerar ayuu qaaday, ciidamadii howlgalka qabashadiisa fulinayay wuxuu ka
dilay hal askari mid kalana wuxuu dhaawacay, kaddibna ciidamadu waa ay toogteen’’
ayuu yiri Qaasim Axmed Rooble oo u hadlay ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.
Sarkaalkan toogashada lagu dilay
ayaa magaciisa lagu sheegay Abuukar Xassan Cadde laakiin ku shaqeyn jiray
magaca Siyad Abuu Kaliil, kana tirsanaa kooxda amniyaadka ee toogashada dadka
ku fuliya.
Ma jiro wax war ah oo ay
Al-shabaab ka soo saareen sarkaalkan la sheegay in looga dilay howlgalka, hasse
ahaatee dowladda Soomaaliya ayaa sidan oo kale marar badan oo hore sheegtay in
ay howlgal ku dishay xubno ka tirsanaa Al-shabaab.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]