Guddoomiyayaasha Baarlamaanka maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug oo qaadacay go’aankii shirka Kismaayo
Talaado, September, 11, 2018
(HOL) – Waxaa soo ifbaxaya khilaaf
xoogan oo u dhaxeeya mas’uuliyiinta qaar ka mid ah maamuladdii ku shiray
Kismaayo ee Sabtidii aynu soo dhaafnay ku dhawaaqay in ay xiriirka u jareen
dowladda dhexe ee federaalka.
Hoggaamiyayasha Hirshabeele iyo
Galmudug oo ah labada maamul ee ugu da’yar guud ahaan marka la eego dowlad
gobolleedyada dalka ka dhisan, ayaa wajahaya markan culeys uga imanaya isla
maamulka gudihiisa kaddib ku
dhawaaqistoodii in ay xiriirka u gooyeen dowladda dhexe oo ay ku eedeeyeen fara-galin siyaasadeed iyo in ay ku guuldareysatay howlihii loo idmaday.
Guddoomiyaha baarlamaanka
Galmudug Cali Gacal Casir oo maalintii shalay khudbad ka hor jeedinayay
furitaanka Kalfadhigga Afaraad ee Golaha Shacabka oo ay fadhiyeen madaxda ugu
sareysa dalka gaar ahaan madaxweynaha ayaa ka hor sheegay in Galmudug isku
raacsaneyn warka ka soo yeeray Kismaayo oo sida uu hadalka u dhigay ay u arkayaan
in lagu wiiqayo dowladnimada iyo jirintaanka Qaran Soomaaliyeed.
Si taa la mid ah guddoomiyaha
baarlamaanka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa sheegay in uusan jirin wax
khilaaf ah Hirshabeelle kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya, diyaar-na u yihiin
in ay sii wada-shaqeyn dhaxmarta.
Horay go’aanka hoggaamiyayaasha
dowlad gobolleedyada waxaa ugu gacan seyray madaxweyne ku-xigeenka maamulka
Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi Carabey oo sheegay in shaqsi kaliya uusan ku
hadli karin magaca dowlad gobolleedka Galmudug, sidoo kale waxaa go’aanka
shirka ka hor yimid madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Xaaji Camey oo ku tilmaamay
war-murtiyeedka hoggaamiyayaasha dowlad gobolleedyada ka soo baxay mid aan laga fiirsan oo lagu deg degay.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo u muuqday in uu riyaqay mowqifka guddoomiyayaasha labada Baarlamaanka ee Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa dhinaciisa ugu laab-qaboojiyay in dowladda diyaar u la tahay wadashaqeyn buuxda
isaga oo yiri’’ “ Guddoomiyeyaasha golaha shacabka Hirshabelle iyo Galmudug
waxaan idiin sheegayaa in aan diyaar idiin la nahay in aan idin kala shaqayno
danta guud”
Lama oga halka ay arrimuhu sal
dhigan doonaan maalmaha iyo todobaadyada ina soo aadan, hasse ahaatee dadka
sida weyn u daraaseeya arrimaha siyaasada ayaa qaba in shirkii Kismaayo uu
dhaawac weyn ugu danbeyntii ku keeni doono jiritaanka is heysiga iyo wada jirka
qaar ka mid ah dowlad gobolleedyada oo haddaba la ciir-ciiraya khilaaf
dhaxdooda ah.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]