4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 1 , 2018
Dowladda oo gacanta ku dhigtay burcad mid ka mid ah sheegay in uu howshan u hayay askari ka tirsan ciidamada

 

Sabti, September, 01, 2018 (HOL) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta warbaahinta u soo bandhigay labo dhalinyaro ah oo lagu soo qabtay iyaga oo dhac iyo baarasho u geysanayay dadka rayidka iyo hubkii ay adeegsanayeen intaba.

Qaasim Axmed Rooble oo ah afhayeenka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in labada ruux lagu soo qabtay fal burcad-nimo ah, sidoo kale waxaa warbaahinta loo bandhigay bastooladihii ay ku hubeysnaayeen.

Mid ka mid ah raggan la soo bandhigay oo lagu magacaabo Mahad Cabdi Maxamed oo funnaanad uu xirnaa oo ay ku qorneyd ‘’Nabad iyo Nolal’’ oo lagu naaseyso xukuumada hadda jirta ayaa sheegay in bastooladan sida uu hadalka u dhigay uu u adeegi jiray askari ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo lagu magacaabo Farxaan Xassan Axmed Cismaan.

Mahad ayaa sheegay in wixii uu dadka ka dhaco uu dib ugula noqon jiray askariga basoolada u soo dhiibay sidaa-na ay ku wadaagi jireen.

 

Ninka kale ee Booliisku ay soo bandhigeen oo lagu magacaabo Maxamuud Xassan Iidoow oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana uu sheegay afhayeenka Booliiska in lagu soo qabtay isaga oo dhac u geysanaya dad rayid ah.

Waa markii ugu horeysay oo ay dowladda Soomaali ay soo bandhigto burcad mid ka mid sheegay in uu adeege u ahaa askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Afhayeenka ciidamada Booliiska Qaasim ayaa sheegay in baaritaan kaddib labada dhalinyarada ah eeku eedeysan falka burcad-nimada ah la horgeyn doono sharciga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]