4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 1 , 2018
Maamulka Gobolka Banaadir iyo Midowga Afrika oo ka wadahadalay tacadiyada ka dhanka ah Haweenka

 

Sabti, September, 01, 2018 (HOL)– Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Danjire Francisco Medara.

Guddoomiyaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay arrimaha amniga, ilaalinta xuquuqul iinsaanka iyo dadaallada Maamulka Gobolka Banaadir uu ugu jiro xal u helista dhibaatooyinka haysta dadka barakacayaasha ah.

Eng.Yarisow ayaa tilmamay muhiimadda ay leedahay in Saraakiisha Howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ay kala shaqeeyaan hay’adaha heer Federaal iyo heer Gobol xal u helista tabashooyinka ka dhanka ah xuquuqda haweenka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay magacaabayaan guddi ka shaqeeya ilaalinta xuquuqul insaanka, gaar ahaan baaritaanka eedaymaha soo gaara Gobolka ee ku saabsan tacaddiyada.

“Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu ka shaqeynayaa sidii loo xaqiijin lahaa ilaalinta karaamada iyo sharafta bulshada Gobolka, iyadoona aan kaashaneyno dhammaan dhinacyada ay khuseyso.”

Dhankiisa, Danjire Francisco Medara ayaa bogaadiyey qorsheyaasha Maamulka Gobolka Banaadir ee ku aaddan ilaalinta xuquuqul insaanka, isagoona ballaan qaaday in ay kaalintooda ka qaadanayaan baaritaannada ku saabsan arrinkan.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow) iyo Danjiraha Midowga Afrika ee Soomaaliya Mudane Francisco Medara ayaa xaqiijiyey muhiimadda ay u leedahay dhallinyarada iyo horumarinta ciyaaraha dib u dayactirka Tuulada Ciyaaraha ee Muqdisho Stadium oo dhawaan ay banneeyeen Ciidanka AMISOM.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]