4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 1 , 2018
Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Jubbaland oo ka hadlay arimo ay kamid yihiin xiriirka dowladda dhexe iyo Jubbaland



Sabti, September, 01, 2018 (HOL)– Mudane Max’uud Sayid Aadan, madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Jubbaland oo mudooyinkii u danbeeyay safar shaqo ugu maqnaa dalka Kenya ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay kadib kusoo laabashadiisa Kismaayo waxa uu uga hadlay arimo kala duwan.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa xusay in dowladda Kenya ay kala hadleen dhibaatooyin mudooyinkii u danbeeyay ka jiray deegaanada ku yaal soohdinta ay Kenya la wadaagto Soomaaliya ee dhanka degmooyinka Jubbaland, halkaa oo marar badan lagu burburiyay hanti ay lahayd shirkadda Hormuud ayadoo sidoo kale ay jireen dad la dilay, kuwaa oo lagu eedeeyay in ay geysteen askarta Kenya.
Waxa uu xusay in madaxdii ay la kulmeen ay isku afgarteen in arimahaasi baaritaan lagu sameeyo, si degdeg ahna wax looga qabto.

Dhinaca kale, Madaxweyne kuxigeenka oo ka hadlay xiriirka dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in dowladda dhexe ay qeybo ka tirsan degmooyinka Jubbaland ay ka abuurtay xaalado uu xusay in aysan shacabka u wanaagsanayn, isagoo sheegay in loo baahanyahay in dowladdu ay hormuud u noqoto nabadgelyada iyo horumarka dalka.

Madaxweyne kuxigeenka oo soo hadal qaaday siyaasiyiinta doonaya in ay u tartamaan hogaanka Jubbaland ayaa sheegay in looga baahanyahay in ay la shaqeeyaan madaxda xilka haysa, islamarkaana ay qeyb ka noqdaan dadaallada la doonayo in Shabaab looga saaro Jubooyinka.

Hadalka Madaxweyne kuxigeenka ayaa kusoo beegmaya ayadoo mudooyinkii u danbeeyay degmooyin ka tirsan Jubbaland ay ka dhacayeen dibadbaxyo isugu jiray kuwa Jubbaland looga soo horjeedo iyo qaar kale oo looga soo horjeeday dowladda, oo shacabkii dibadbaxayay ay ku eedeeynayeen faragelin in ay ku heeyso Jubbaland.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.