11/19/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 1 , 2018
Madaxda maamul gobolleedyada oo shir ku yaalanaya magaalada Kismaayo


 

Sabti, September, 01, 2018 (HOL)– Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee xarunta ku –meel-gaar u ah Jubbaland tagaan qaar ka mid ah madaxda dowlad gobolleed-yada dalka oo halkaa shir uga furmayo.

Madaxweynayaasha, Puntland, Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa la filayaa in ay gaaraan saacadaha nagu soo foolka leh magaalada Kismaayo iyaga oo ka qeybgalay shir uu ku marti-qaaday madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe]

Waa kulankii labaad oo Kismaayo ay ku yeeshaan madaxda dowlad gobolleedyada oo saddex jeer kulmay, waxaana shirkan intiisa badan diirada lagu saari doonaa khilaafka maamulada qaar kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya, iyadoo la ogyahay in sanadkan 2019 ka dhici doonaan doorashooyin madaxweyne ilaa saddex maamul gobolleed sida Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland, waxaana jira tuhun madaxweynayaasha maamuladan ay ka qabaan dowladda oo laga yaabo in ay fara-galiso doorashooyinkaa.

Sidoo kale madaaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa wajahaya cadaadis uga imanaya dhinaca xildhibaannada maamulkiisa oo diyaarinaya mooshin isaga ka dhan ah oo la doonayo in xilka looga tuuro.

Jubbaland iyo dowladda dhexe federaalka ayaa waayadii ugu danbeeyay waxaa ka dhax jira khilaaf sii xoogeystay, kaa oo ka dhashay magacaabis is daba joog ah oo dowladda federaalku ku soo saartay taliyayaal ciidan, laakiin Jubbaland dhinaceeda ka biyo diiday.

Shirka ayaa la filayaa ugu danbeyntii in madaxda ku mideysan golaha isbaheysiga dowlad gobolleed-yada ka soo saaraan war-murtiyeed isha lagu hayo qodobada diirada lagu saari doono.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]







Click here
9/1/2018 2:13 PM EST
Sabti, September, 01, 2018 (HOL)–Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta warbaahinta u soo bandhigay labo dhalinyaro ah oo lagu soo qabtay iyaga oo dhac iyo baarasho u geysanayay dadka rayidka iyo hubkii ay adeegsanayeen intaba.

9/1/2018 10:56 AM EST
Sabti, September, 01, 2018 (HOL)– Xeerka Kufsiga ee golaha Wakiiladdu u gudbiyey madaxtooyada ayaa muran ka dhashay ka dib markii Guurtiddu ku dooday in xeerkaasi ahayd in uu iyaga soo maro si ay ugu gudbiyaan madaxweynaha.

9/1/2018 8:47 AM EST
Sabti, September, 01, 2018 (HOL)– Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Danjire Francisco Medara.

9/1/2018 8:30 AM EST
Sabti, September, 01, 2018 (HOL)– Mudane Max’uud Sayid Aadan, madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Jubbaland oo mudooyinkii u danbeeyay safar shaqo ugu maqnaa dalka Kenya ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay kadib kusoo laabashadiisa Kismaayo waxa uu uga hadlay arimo kala duwan.

9/1/2018 4:39 AM EST
Sabti, September, 01, 2018 (HOL)– Qoraal lagu daabacay Bogga Twitter –ka ee hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya NISA ayaa lagu sheegay in xubinnimadii hay’adda sirdoonka laga saaray Gen Cabdalla Cabdalla oo horay u soo noqday taliye ku-xigeenka, hasse ahaatee xilka looga qaaday wareegto uu soo saaray madaxweyne Farmaajo.

9/1/2018 4:23 AM EST
Sabti, September, 01, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la kulmay madaxda shirkadaha ganacsi iyo kuwa dhaqaale ee dalka Shiinaha, kuwaas oo daneynaya in maalgashi ay ku sameystaan Soomaaliya.

9/1/2018 1:13 AM EST
Sabti, September, 01, 2018 (HOL)–Mareykanka ayaa hakinaya dhammaan dhaqaalihii uu siin jiray hay'adda Qaramada Midoobey u qaabilsan qaxootiga Falastiyiniinta.

9/1/2018 1:07 AM EST
Sabti, September, 01, 2018 (HOL)–Dowladda Britain ayaa ugu baaqaday in la taageero howlgalka midowga Africa ee Soomaaliya si loo soo celiyo xasiloonimadii iyo kala danbeyntii Soomaaliya loogu-na guuleysto dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

9/1/2018 12:48 AM EST
Sabti, September, 01, 2018 (HOL)-Degmada Afgooye oo ay ku soo noqdeen weerarrada qaraxyada loo adeegsado ku kuwa toos ah oo ay soo qaadeen xoogagga Al-shabaab, ayaa saacadihii ugu danbeeyay howlgallo ka sameeyay ciidamada dowladda Soomaaliya.