4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 1 , 2018
Britain oo caalamka ugu baaqday in la taageero howlgalka midowga Africa AMISOM

 

Sabti, September, 01, 2018 (HOL) – Dowladda Britain ayaa ugu baaqaday in la taageero howlgalka midowga Africa ee Soomaaliya si loo soo celiyo xasiloonimadii iyo kala danbeyntii Soomaaliya loogu-na guuleysto dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Ra’iisal wasaaraha Britain Theresa May oo booqatay dalal ka tirsan qaarrada Africa, gaar ahaan dalka Kenya ayaa sheegtay in UK bixineyso maal-galin dheeraad ah oo lagu caawinayo ciidamada nabad-ilaalinta midowga Africa, iyada oo ku amaantay Kenya doorkeeda la xiriira dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

‘’Soomaaliya waxaa ay ku jirtaa xaalad xaasaasi ah, waa muhiim in la kaalmeeyo ciidamada ku howlan nabad soo celinta iyo sidoo kale waqtiga kala guurka ee Soomaaliya, ‘’ ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay May intii lagu guda-jiray socdaalkeedii qaarrada.

Ra’iisal wasaaraha Britain ayaa ku dhawaaqday in ka badan $ 9 milyan oo dollar oo dheeraad ah oo UK ay ku caawineyso howlgalka midowga Africa AMISOM, waxaana ay dalalka deeq-bixiyayaasha ugu baaqday in ay gacan ka geystaan taageerada maaliyadeed ee la siinayo ciidamada nabad ilaalinta.

Sanadkii 2017, Britain waxay ku kordhisay 385 milyan oo pound dadaalka caalamiga ah si ay gacan uga geysto Soomaliya oo noqota ​​waddan amaan ah, xasilooni iyo barwaaqo leh.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]