4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 9 , 2018
Ra’iisul wasaare Kheyre oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudi Carabiya

Talaado, October, 09, 2018 (HOL) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha dibadda Boqortooyada Sacuudiga Adel bin Ahmed Al-Jubeir.

Kulanka oo ka dhacay qasriga ra’iisul wasaaruhu ka deganyahay magaalada Riyaad ayaa horudhac u ahaa kulan uu ra’iisul wasaaraha Khayre uu la yeelanayo  madaxda sare ee  boqortooyada Saudi Arabia.

Kulanka ay wada qaaateen ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo wasiirka arrimaha dibadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa waxaaa goob joog ka ahaa Wasiirrada arrimaha dibada Axmed Ciisa Cawad iyo Wasiirka Warfaafinta xukuummadda Federaalka Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa muddo labo maalin ah ku sugnaanaya dalka Sacuudiga,halkaas oo ay ku tageen martiqaad rasmi ah.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]