4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 9 , 2018
Baarlamaanka Galmudug oo yeeshay guddoomiye cusub

 

Talaado, October, 09, 2018 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya degmada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in baarlamaanka dowlad gobolleedka Galmudug galinkii danbe ee maanta u doorteen guddoomiye cusub Ismaaciil Cabdulle Axmad.

Doorashada guddoonka baarlamaanka oo ku tartameen ilaa saddex musharax ayaa la sheegay wareegii hore –ba uu helay Ismaaciil codad gaaraya 93 cod, halka musharax Aadan Xaaji uu helay 37 cod iyo Salaad Caynte oo helay 5 cod.

Laakiin intii aan loo gudbin wareegii labaad ayaa la sheegay in labada musharax kale tanaasulleen, taasoo keentay in guddoomiyaha baarlamaanka uu ku guuleysto Ismaaciil Cabdulle Axmed.

Fadhiga golaha waxaa shir guddoominayay guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Xareed Cali Xaraad, waxaana ay arintani imaneysaa xili dhawaan guddiga ka tirsan aqalka sare oo u xil saarnaa khilaafka Galmudug shaaciyeen in aysan aqoosaneyn dhamaanba xil ka qaadistii hore ee labada dhinac.

Horay waxaa xilkan u hayay oo guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug u ahaa Cali Gacal Casir oo ay xildhibaannada Dhuusa-Mareeb fadhiya sheegeen in ay xilkii ka qaadeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]