4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 9 , 2018
Danjire Nikki Haley oo is-casishay

 

Talaado, October, 09, 2018 (HOL)- Aqalka Cad ayaa ku dhawaaqay in danjirihii Mareykanka u joogtay Qaramada Midoobay Nikki Haley ay xilkaasi ka dagi doonto dhawaan.

Kadib kulan saakay Aqalka Cad ku dhexmaray madaxweyne Trump iyo Haley ayuu Trump ku sheegay in Haley ay xilkaasi banneyneyso marka la gaaro dhammaadka sannadkaan.

Madaxweyne Trump ayaanan faah-faahin sababta ay xilka uga dageyso ergaygi Mareykanka u fadhiday Qaramada Midoobay, balse wuxuu sheegay inuu rajo ka qabo in Haley ay maamulkiisa dib ugu soo laabato kana qabato xil kale.

Ka hor inta aysan Mareykanka u matalin Qaramada Midoobay, Haley waxay aheyd barasaabka gobolka South Carolina oo ay ka noqotay haweeneydi ugu horreysay ee xilkaasi kusoo baxda. Mar kale ayaa loo doortay gudoomiyaha gobolkaasi sannadki 2014.

VOA