4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 9 , 2018
Ra’iisul Wasaare Khayre oo booqasho rasmi ah uga bilaabatay dalka Sucuudiga

 

Talaado, October, 09, 2018 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Riyaadh ee dalka Boqortooyada Sucuudiga, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay.

Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa soo dhoweeyay mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Boqortooyada, iyadoo booqasho laba maalmood ah ay halkaas uga bilaabatay.

Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa soo dhoweeyay mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Boqortooyada, iyadoo booqasho laba maalmood ah ay halkaas uga bilaabatay.

Kheyre ayaa kulamo la yeelan doono mas’uuliyiinta ugu sarsareysa dowladda aan walaalaha nahay ee boqortooyada Sucuudi Carabiya, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale kulamo la yeelan doona madaxda Bangiga horumarinta Islaamka iyadoo wadahadaladaana diirada lagu saarayo  horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, maal-gelinta iyo dib-u-habaynta ballaaran ee lagu sameeyay hannaanka maamulka maaliyadda dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]