4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 9 , 2018
Go'aamo laga soosaaray colaadii Konfurta gobolka Sool

 

Talaado, October, 09, 2018 (HOL) –Gudigii u fadhiistay xalinta khilaafaadka u dhaxeeya laba beelood oo mudadii u danbaysay ku shirayay magaalada Laascaanood iyo maamulka gobolka ayaa manta xukun ku riday labadii beelood ee colaadu ku dhex maratay koonfurta gobolka Sool kaasi oo u qoraa sidatan.

1. Labadii nin ee dilka ku fuliyay Cabdi weli (Dhiindhiinshe) in lasoo qabto oo maxkamadda la horkeeno oo wixii sharcigu ku xukumo lagu fuliyo.

2. Labaatankii qof ee dhummay ku dhintay ee midi gabadha ahayd in laga bixiyo mag shareeco oo ah ninka boqol halaad. Gabadhana konton. Laguna bixiyo muddo lix bilood ah.

3. In berri la keeno duugtii oo ah calaa qof kun doolar. 

4. In la keeno sabtida furkii oo ah xaga bahararsame labo qori iyo labo gaadhi. Xaga Cabdigaraadna afarta qori ee ay qirran yihiin iyo baastooladda oo ay iska soo caddeeyaan.

5. Qiimayntii dhaawaca iyo khasaarihii hantiyeed waxaa dib loogu dhigay waqtigay ku habboon tahay.

GO'AANKII DHAQANKA.

1. Afartii nin ee guriga lagala baxay waxay ka xukumeen min 20 halaad oo Tacsiir ah.

2. Weerarkii tiknikada ee magaalada waxay ka xukumeen konton halaad oo tacsiir ah.

GO'AANKII MAAMULKA.

1. Waxay xukumeen ciidamada iyo tiknikada labada beelood ee iyaga maamulkooda ka tirsan ciddii fal ka qayb qaadata in maxkamad mullatari lasoo taago doono.

2. Inaan la arki karin ciidammo malaysiyaad beeleed ah oo is urursanaya ama meel ku sugan.

3. Magaalooyinka la wada degan yahay inay yihiin goobo ka caagan hubka kiisa culus iyo kiisa fududba.

4. Ciddi ka hortimaadda ama fulin weyda waajibaadka laysa siiyay oo dhan in meel looga soo wada jeesanayo.

Qodobadan ayaa la rajaynayaa in ay noqdaan kuwa meel mara iyadoo sanadkii la soo dhaafay colaadan raagtay la soo afjaray hase yeeshee dib u qaraxda bishii aynu soo dhaafnay.

Seynab Cabdi Warsame.

[email protected]

Laascaanood, gobolka Sool.