Talaado, October, 09, 2018 (HOL) –Wasiir ku xigeenka warfaafinta iyo wacyigelinta
Somaliland Maxamed Muuse Abees ayaa ka warbixiyey dagaal xalay ku dhexmaray
deegaanka Tuko raq ciidanka Somaliland iyo ciidanka Puntand.
Wasiirku waxa uu sheegay in dagaalkaasi hal
askari kaga dhintay, waxaanu tilmaamay in ciidankaasi ku soo qaadeen weerar ku
dhufo ka dhaqaaq.
“Sagaalkii habeeninimo wakhti roobab
da’ayeen ayey weerar ku soo qaadeen ku dhufo ka dhaqaaq ah maleeshiyada
maamulka Puntland, waxay siteen hub casri ah oo ay ka mid yihiin qalabka
habeenkii dagaalka lagu gallo ee la xidho iyo hub kale oo loogu tallogalay
argagixisada in lagula dagaalamo ayey isticmaalayeen, markiina jawaabtii way
heleen oo dib baa loogu celiyey halkii ay ka yimaadeen”ayuu yidhi Abees.
Mar uu ka hadlayey khasaaraha dagaalkaasi sababay
waxa uu yidhi “Waxa nagaga dhaawacmay hal askari oo markii dambe u geeriyooday
wax kale oo khasaare ah oo Somaliland ka soo gaadhay ma jirto, iyagana
dhawac iyo dhimashaba waanu gaadhsiinay.”
Wasiirku waxa uu sheegay in dulqaadkii ka
dhamaaday,isla markana wixii ay xeerinayeen ee beesha caalamku ka dalbaday ay
dhankooda fuliyeen, haseyeesheee aanay mar dambe difaac uun ku jiri doonin ee
ay talaabo ka qaadi doonaan ciidamada maamulka Puntland.
Barkhad-ladiif
M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa,
Somaliland.