4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 9 , 2018
MUQAAL Guddoonka Aqalka sare iyo wakiilka cusub ee Qaramada Midoobey oo kulmay

 

Talaado, October, 09, 2018 (HOL) – Guddoonka Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa kulan kula qaatay magaalada Muqdisho wakiilka cusub ee Qaramada Midoobey Nicholas Haysom.

Kulanka labada dhinac oo ka dhacay xarunta Aqalka, waxaana looga wada hadlay wada shaqeynta Aqalka sare Soomaaliya iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Ergeyga cusub ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom  ayaa dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho, isagoona xilka kala wareegay wakiilkii hore  Michael Keating.

Mudadii uu Muqdisho ku sugnaa ayuu kulamo kala duwan la qaatay madaxda ugu sareysa dalka Soomaaliya oo ay ka wada hadleen guud ahaan xaalada siyaasada dalka iyo wada shaqeyn dhaxmarta labada dhinac.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]