3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 9 , 2018
Dibedbaxayaal ku baaqay in wax laga qabto xaaladda amniga ee magaalada Gaalkacyo

Talaado, October, 09, 2018 (HOL) – Dhallinyarada magaalada Gaalkacyo oo isu soo bax dhigay ayaa ugu baaqay hay’adaha ammaanka iyo xukuumadda inay qaadan tallaabooyin ay ku qanci karaan oo wax looga qabanayo xaaladda amni ee magaalada Gaalkacyo, kaddib dilal si joogta ah magaalada uga dhacay toddobaadyadii u dambeeyay.

Dhallinyarada waxaa taab-tay dilka nin ka mid ahaa dhallinyarada firfircoon ee gobolka oo Isniintii dhaawac ugu geeryooday isbitaalka magaalada Gaalkacyo, iyagoo dalbanayay inuu cadaalad helo allaha u naxaristo Xaamud Cabdullaahi Warsame oo ku magac dheera Xaamud Wardheere iyo dhallinyaro ka horreysay oo xilli habeen ah lagu dilay Gaalkacyo.


"Waxaan ka codsaneyna mas'uuliyiinta degmada, gobolka iyo hay'adaha amniga haddii aysan xaaladda taagan waxba ka qaban karin xilka ha isaga tagaan." dibedbaxayaasha ayaa sida yiri oo u badnaa dhallinyarada Isboortiska iyo Arday.

Dhallinyarada ayaa sheegay inay wadi doonan isu soo baxyada ilaa dowladda ay ka soo bandhigeyso qorshayaal cad cad oo ammaanka magaalada Gaalkacyo wax looga qabanayo.

Hay'adaha amniga iyo mas'uuliyiinta gobolka ma jirto warbixin ka soo baxday oo looga hadlay xaaladda amniga ee magaalada Gaalkacyo iyo dilalka dhacaya oo ugu yaraan saddex dhallinyaro ah ay ku geeryoodeen toddobadyadii u dambeeyay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
10/9/2018 4:38 PM EST
Talaado, October, 09, 2018 (HOL) – Duufaan loogu magac daray Luban ayaa lugu wadaa inay ku dhufato cirifka bari ee Soomaaliya saacadaha hore ee Axadda, ayadoo dabaylahana la qiyaasayo in xoogoodu uu noqon doono kuwo ilaa 60 mayl saacaddiiba ku socda.

10/9/2018 4:19 PM EST
Talaado, October, 09, 2018 (HOL) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha dibadda Boqortooyada Sacuudiga Adel bin Ahmed Al-Jubeir.

10/9/2018 4:10 PM EST
Talaado, October, 09, 2018 (HOL) – Kooxda al-Shabaab ayaa goob fagaaro ah oo ku taalla degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe , waxaa ay ku toogteen shan nin oo Soomaali ah oo lagu eedeeyay basaasnimo.

10/9/2018 3:25 PM EST
Talaado, October, 09, 2018 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya degmada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in baarlamaanka dowlad gobolleedka Galmudug galinkii danbe ee maanta u doorteen guddoomiye cusub Ismaaciil Cabdulle Axmad.

10/9/2018 2:00 PM EST
Talaado, October, 09, 2018 (HOL)- Aqalka Cad ayaa ku dhawaaqay in danjirihii Mareykanka u joogtay Qaramada Midoobay Nikki Haley ay xilkaasi ka dagi doonto dhawaan.

10/9/2018 1:23 PM EST
Talaado, October, 09, 2018 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Riyaadh ee dalka Boqortooyada Sucuudiga, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay.

10/9/2018 12:59 PM EST
Talaado, October, 09, 2018 (HOL) – Gudigii u fadhiistay xalinta khilaafaadka u dhaxeeya laba beelood oo mudadii u danbaysay ku shirayay magaalada Laascaanood iyo maamulka gobolka ayaa manta xukun ku riday labadii beelood ee colaadu ku dhex maratay koonfurta gobolka Sool kaasi oo u qoraa sidatan.

10/9/2018 9:40 AM EST
Talaado, October, 09, 2018 (HOL)–Wasiir ku xigeenka warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Maxamed Muuse Abees ayaa ka warbixiyey dagaal xalay ku dhexmaray deegaanka Tuko raq ciidanka Somaliland iyo ciidanka Puntand.

10/9/2018 7:33 AM EST
Talaado, October, 09, 2018 (HOL)–Guddoonka Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa kulan kula qaatay magaalada Muqdisho wakiilka cusub ee Qaramada Midoobey Nicholas Haysom.

10/9/2018 4:10 AM EST
Talaado, October, 09, 2018 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya degmada Wanla-weyn ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya howlgal xalay halkaa ka sameeyeen ciidamo Soomaali ah oo gacan militari ka helaya kuwa ajnabi ah lagu dilay wadaad caan ka ahaa degmada iyo deegaannada ku dhaw dhaw.

10/9/2018 3:46 AM EST
Talaado, October, 09, 2018 (HOL) – Guddiyada dib u eegista dastuurka ee heer federaalka iyo dowlad-gobolleedyada ayaa maanta shir uga furmay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

10/9/2018 3:10 AM EST
Talaado, October, 09, 2018 (HOL) – Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya,Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow u ambabaxay dalka Sacuudi Carabiya,kaddib martiqaad uu ka helay Boqortooyada Sacuudiga.

10/9/2018 2:54 AM EST
Talaado, October, 09, 2018 (HOL) – Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax , ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad-gobolleedka Galmudug.

10/9/2018 2:15 AM EST
Talaado, October, 09, 2018 (HOL)–Jarmalka ayaa boqol milyan oo doollar ugu yaboohay Sooomaaliya, sidaasina waxaa sheegtay safiirka Jarmalka ee Soomaaliya , haweeneyda Annett Günther oo ka hadashay munaasanad lagu xusay midowga labadii Jarmal oo lagu qabtay xarunta Midowga Yurub ee magaalada Muqdisho.

10/9/2018 1:43 AM EST
Talaado, October, 09, 2018 (HOL) – Shirkadda Google ayaa shaaca ka qaaday in la xiri doono barnaamijkeeda caanka ah ee Google+, sababo la xiriira markii la jabsaday xogta 500,000 oo qof oo shabakaddaas isticmaala.

10/9/2018 1:21 AM EST
Talaado, October, 09, 2018 (HOL) – Rasaas ayaa xalay laga maqlay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo ay isku horfadhiyaan ciidamadda Puntland iyo Soomaaliland.

10/9/2018 12:36 AM EST
Talaado, October, 09, 2018 (HOL) – Dowladdda Soomaaliya ayaa dhawaan ka mamnuucday Mukhtaar Rooboow in uu isku soo taago qabashada xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, waxaana jira eedeymo soo baxaya oo loo jeedinayo dowladda oo la sheegay in ay ballamo uga baxday Rooboow.