4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 9 , 2018
Wadaad caan ah oo xalay lagu dilay degmada Wanla-weyn

 

Talaado, October, 09, 2018 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya degmada Wanla-weyn ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya howlgal xalay halkaa ka sameeyeen ciidamo Soomaali ah oo gacan militari ka helaya kuwa ajnabi ah lagu dilay wadaad caan ka ahaa degmada iyo deegaannada ku dhaw dhaw.

Sheekh Nuur Cismaan Bilaal oo ahaa marxuumka la dilay ayaa la sheegay in uu ahaa wadaad casharka Tabsiirka Qur’aanka ka aqriya masjidyada degmada, sidoo kalana waxaa uu lahaa sida la sheegay madrasad weyn oo lagu barto Diinta Islaamka.

Dadka degmada ayaa siweyn uga xumaaday dilka wadaadkan oo ay siweyn u garanayeen bulshada ku dhaqan Wanla-weyn iyo xitaa deegaannada ku dhaw dhaw.

Dhinaca maamulka degmada wax war ah kama aysan soo saarin howlgalka lagu dilay wadaadka iyaga oo ka gaabsan in ay arintan ka hadlaan.

Ma’aha markii ugu horeysay oo ay ciidamada dowladda oo gacan militari ka helaya kuwo Mareykanka ah howlgal ka fuliyaan gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana marar badan howlgaladan ku dhintay dad rayidka ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]