4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 9 , 2018
Khayre: Mas'uuliyiinta Sacuudiga waxaan kala hadlaya xoojinta xariirka labada dal ka dhexeeya iyo isbedellada gobalka



Talaado, October, 09, 2018 (HOL) –  Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya,Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow u ambabaxay dalka Sacuudi Carabiya,kaddib martiqaad uu ka helay Boqortooyada Sacuudiga.

Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre oo dalka Sucuudiga ay uga billaabanayso booqasho rasmi ah oo laba maalin qaadanaysa, ayaa safarkiisa waxaa ku wehliya wasiirrada warfaafinta, arrimaha dibadda iyo ganacsiga iyo xildhibaanno,waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka qaaday
diyaarad gaar ah oo boqortooyada Sacuudiga ay usoo dirtay wafdiga.

Wasiirka warfaafinta xukuummadda federaalka Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle, oo ka warbixiyay safarka ayaa sheegay in ra’iisul wasaare Khayre iyo madaxda dalka Sucuudiga ay yeelanayaan kulamo looga hadlayo xoojinta xariirka walaaltinimmo ee labada dal ka dhexeeya, isbedellada gobalka iyo guud ahaan caalamka.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa la sheegay martiqaadka inay usoo dirtay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ka hor inta aysan madaxda dalalka Geeska Afrika tagin magaalada Jeddah, balse xilligaas safarka wuxuu u baaqday arrimo farsamo,sida ay sheegeen mas'uuliyiin ku dhow xafiiska ra'iisul wasaaraha.Waxaana safarkiisa uu ku soo aaday xilli Boqortooyada Sucuudiga ay hoos u dhigtay taageeradii Soomaaliya, tan iyo wixii ka dambeeyay khilaafka Khaliijka oo dowladda Soomaaliya ka qaadatay mowqif dhex dhexaad ah.

Sacuudiga ayaa door weyn ka qaatay is beddelada geeska, sida dadaalladii dib u heshiisiinta iyo soo afjarida colaadaha u dhaxeeyay dalalka gobolka  ee  Itoobiya, Eritrea iyo Jabuuti.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]