4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 9 , 2018
Shirkadda Google oo xiraysa barnaamijkeeda Google+

Talaado, October, 09, 2018 (HOL) –  Shirkadda Google ayaa shaaca ka qaaday in la xiri doono barnaamijkeeda caanka ah ee Google+, sababo la xiriira markii la jabsaday xogta 500,000 oo qof oo shabakaddaas isticmaala.

Bishii Maarso, baaritaan ammaan ayaa shaaca ka qaaday in khaladka ka dhex jira barnaamijka Google+  ay la macne tahay in xogta dadka ee rumaysnaa in xogtoodu ay ayaga u gaar tahay ay dad kale ogaan karaan, waqtiga shirkadda ma aysan ogeysiin dadka adeegsada shabakaddaas iyo maamuleyaasha toona.

Baaritaankii ugu horreeyay ee ay shirkaddu samayso bishii saddexaad, waxaa qasbay markii ay soo ifbaxday fadeexaddii Facebook ee Cambridge Analytica, iyadoo markiiba ay Google samaysay baadhitaan ayada u gaar ah oo ku aaddan in gacan saddexaad ay adeegsan karto barnaamijyada Google+.

Wal walka ay shirkaddu qabtay ayaa noqday mid xaqiiqo ah, markii jawaabta baaritaanka ay noqotay Haah - balse sharikadda ayaa go'aansatay in dhibaatadu aanay gaarsiisnayn heer la xiro barnaamijka oo idil.

Barnaamijka ay xireyso shirkadda Google  ee  Google+ ayaa la daahfuray sanadkii 2011 si loola tartansiiyo Facebook. Balse wuu guuldarraystay  markii dambena waxaa laga dhigay qayb kamid ah shabakadda ballaaran ee Google ee adeegyada kal duwan isku xirta.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]