4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 9 , 2018
Iska horimaad ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool

Talaado, October, 09, 2018 (HOL) – Rasaas ayaa xalay laga maqlay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo ay isku horfadhiyaan ciidamadda Puntland iyo Soomaaliland.

Warar kalle duwan ayaa kasoo baxaya, iyadoo qaar ka mid ah ay sheegayaan ciidamadda Puntland inay weerarreen saldhig ciidamadda Soomaaliland leeyihiin, halkaasina ay ka billaabatay madaafiic la is waydaarsaday xalay goor dambe.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay hay'adaha ammaanka ee Puntland iyo Soomaaliland,ma cadda khasaaro ka dhashay iska horimaad  ka dhacay deegaanka.

Khilaafka halkaas ka taagan ay sababay dhimashada tobonaan dad ah,waxaa kalo ku baracay dad kor u dhaafaya labo iyo toban kun oo qof,tan iyo bishii Maarso ee sanadkan, marka oo ay Soomaaliland la wareegtay Tukaraq.

Ciidamadda laba dhinac ayaa la sheegay inuu waagu ugu baryay saldhigyadii ay horey u joogeen, balse qof la hadlay Hiiraan Online wuxuu sheegay dhaq dhaqaaq ciidan inuu ka socdo dhulka ku dhow deegaanka ee ay joogaan labada ciidan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]