4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 8 , 2018
Cabdi Xirsi Qarjab: Waa la joojiyay in la isu gudbo.. Wasiirrada Puntland ma tagi karaan Xamar

Isniin, October, 08, 2018 (HOL) -  Wasiirka warfaafinta Puntland,Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa sheegay in wasiirrada Puntland aysan tagi karin Muqdisho, si la mid ahna aysan suragal u noqon doonin wasiirrada Federaalka inay kulamo ku qabtaan Puntland.

Qarjab, wuxuu tilmaamay in dowlad-gobolleedyada ay horay hakiyeen wada shaqeyntii dowladda Federaalka, isla markaana ay soo jeediyeen wixii horay loogu heshiiyay in la dhaqan-geliyo.

" Illaa laga heshiiyo oo laga dhaqan-geliyo heshiisyadii horay, halkan ciddii iska soo gashay oo shirar isaga qabsado waxay noqoneysaa cid dhibaatada dalka qeyb ka ah.. Waa la joojiyay in la isu gudbo Wasiirada Xamar ma tagi karaan shir kama qeyb geli karaan, illaa la heshiiyo." ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland oo suxufiyiinta kula hadlay Garoowe.

Puntland ayaa shalay ka hor istaagtay wasiirka qorsheynta Federaalka kulan uu kula hadli lahaa ardayda wax ka barata jaamacadaha ku yaalla magaalada Garoowe, waxaana arrintan la xiriirta go'aankii dowlad-gobolleedyada ay xiriirka ugu jareen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]