4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 8 , 2018
Mashruuc Balaadhin Ah oo maanta lagu dhaxdhigay garoonka CabdiBile ee gobolka Sool

 

Isniin, October, 08, 2018 (HOL) - Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin iyo wasiirka horumarinta ciyaaraha Somaliland Boos Mire Dacar iyo masuu'liin kale ayaa manta dhagax dhigay dhisme balaadhin ah oo lagu kordhin doono garoonka ciyaaraha Gobolka Sool ee Cabdi Bile Cabdi.

Wasiiraka horumarinta ciyaaraha Somaliland Boos Mire Dacar ayaa madasha ka sheegay in tartanka ciyaarha ee kubada cagta ee gobolda lagu qaban doono garoonka sanadka soo socda, isagoo intaasi ku daray in horumarka ka socda gobolada Somaliland uu la tartami doono gobolka Sool.

Baashe Maxamed Faarax gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ayaa ku dheeraaday ahamiyada ay ciyaaruhu u leeyihiin dhalinta soo koraysa , waxuu intaasi ku daray in ay aad ugu faraxsanyihiin ka qayb qaadashada dhagaxdhigan lagu balaadhin doono garoonk hab casriyana loogu dhisi doono.

Cabdi Furre Kaarshe gudoomiyaha shirkada fulin doonta dismaha garoonka Cabdi Bile ayaa sheegay in ay shirkadiisu tahay mid gobolka ka soo jeeda ayna muwaadiniintu kala xisaabtami karaan isagoo u mahad celiya xukuumada Somaliland.

Isku soo wada duuboo maamulka Somaalilaand u qaabilsan gobolka Sool oo u horeeyo gudoomiyaha gobolka iyo duqa dagmada ayaa si wayn u bogaadiyay talaabadan oo ka mid ahayd balan qaadyadii uu madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ku dhawaaqay xiligii uu ku jiray ololahii doorashadii ina soo dhaaftay.

Seynab Cabdi Warsame.

[email protected]

Laascaanood, gobolka Sool.