4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 8 , 2018
Lix boqol iyo todoba arday oo ka qalinjabiyey jaamacada Admas ee magaalada Hargeysa


Isniin, October, 08, 2018 (HOL) -lix boqol iyo todoba arday ayaa maanta ka qalinjabiyey jaamacada Admas ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo munaasibad balaadhan loogu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Munaasibadan Qalinjabinta Dufcada 10aad ee jaamacada Admas waxa ka soo qaybgalay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Ardayda qalinjabinaysay, waalidiin, maamulka jaamacada Admas, Masuuliyiinta xisbiyada qaranka iyo Martisharaf kale.

Ardaydan ka Qalinjabisay Jaamacada Admas ee magaalada Hargeysa ayaa dhamaystay waxbarashada 11 kuulliyadood oo jaamacada Admas ay bixiso oo isugu jira shahaadada heerka koowaad ee (undergraduate) iyo shahaadada labaad ee (Postgraduate) oo kala ah Public health, Accounting, Economics, ICT, Management, Development Studies, Health Sciences (Nursing), Acitechure Urban Planning, Social Work, Rural Development Human Resource Management, Project Planning.

Munaasibada Qalinjabinta ee Jaamacada Admas oo ay hadalo iyo khudbado lagula sii dardaarmayey ardayda dhamaystay waxbarashada ayaa waxa ugu horayn halkaasi ka hadlay Madaxweynaha Jaamacada Admas Dr. Molla Tsegay oo halkaasi ka hadlay ayaa u hambalyeeyey ardaydii ka qalinjabisay Jaamacada Admas ee magaalada Hargeysa.

Madaxweyneku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil oo halkaasi khudbad dheer oo dar-daaran, waano iskugu jirta halkaasi ka jeediyay ayaa waxa uu xusay in xukuumadda Somaliland si cadaalad ah ay ugu adeegi doonto ardayda kasoo baxaysa Jaamacadaha dalka, waxaanu xusay madaxweyne ku-xigeenku inaanay jiri doonin qof waji ku shaqo tagga balse qof walba oo dawladda Somaliland ay shaqaale nimo u qaadanayso uu ku shaqayn doono waxbarashadiisa iyo aqoonta uu leeyahay, waxaana kamid ahaa hadaladii Madaxweyneku-xigeenka “Waxaan u hambalyaynayaa ardayda jaamacadda Admas, aad ayaanan ugu faraxsanahay inaan idinla wadaago farxada, waxaan idiin rajaynayaa aqoonta aad barateen inay noqoto mid aad dadka iyo dalka ku anfacdaan, mid waxtar yeelata, annaguna inshalaahu waxaanu ballan qaadaynaa cadaalad, ma jiri doono qof waji lagu shaqaalaysiiyaa”ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici.

Ugu danbayna waxa uu madaxweyne ku-xigeenku gudoonsiiyey qaar kamida ardayda maanta qalin-jebisay bilado iyo koobab ay ku mutaysteen dhibcaha wanaaga ay kaga hormareen ardaydii ay wax soo wada baranayeen iyadoo ay dadkii xaflada ka qalinjebiyey soo jiidatay kaalinta koowaad oo ay wada galeen laba hablood oo jaamacada u qaaday koobabkii koowaad iyadoo hore ay u dhici jirtay in hal qof koobka jaamacada qaado.

Sidoo kale, waxa isaguna halkaasi ka hadlay ayaa xusay in wasaaradda waxbarashadu doorkeeda ka qaadan doonto ardayda sanadkani kasoo baxaysa jaamacaadka kala duwan ee dalka isagoo wasiir ku-xigeenku xusay in si cadaalad ah ay u qaybiyeen deeqaha waxbarashada dibadeed ee wasaaradda soo gaadha.

Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi oo ka mid ah Guddida doorashooyinka Qaranka oo halkaasi ka hadashay ayaa ugu hambalyeysay Ardayda Jaamacada Admas ka qalinjabiyey iyo waalidiintii Ardaydaasi tacabka badan ku bixisay sidii ay maanta halkaasi ay joogaan ay usoo gaadhi lahaayeen.

Dhinaca kale gudoomiye ku xigeenka xisbiga UCID Mr Abyan ayaa dardaarsiiyey ardayda, waxaanu tilmaamay in Tacliintu ay tahay maalgashiga ugu qiimaha badan ee qofku uu maalgashado isla markaana ay ka mid tahay waxyaabaha aan qofka si fudud looga qaadan karin.

Dhinaca kale Gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa hambalyo u diray Ardayda ka qalinjabisay jaamacada Admas ee magaalada Hargeysa, isagoo halkaasi uga soo jeediyey hadalo dardaarin iyo dhiirigalin ah.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.