12/12/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 8 , 2018
Saxafiyad dabagal samayn jirtay oo Bulgaria lagu dilay


 

Isniin, October, 08, 2018 (HOL) -Booliiska dalka Bulgaria ayaa baaritaan ku haya dilka loo gaystay Viktoria Marinova oo ah gabadh saxafiyad ah oo samayn jirtay barnaamijyo dabo gal ah.

Maydkeeda ayaa laga helay xarun lagu nasto oo ku taalla magaalada Ruse, goobtaas oo u dhaw wabiga River Danube Sabtidii.

Lama oga in dilka gabadhan 30 jirka ah uu la xiriiro shaqadii ay ka haystay telefishinka dalkaas ka hawlgala ee TVN, waxaana socda baaritaan ku saabsan nolosheedii khaaska ahaa iyo midkeedii shaqo,Cambaarayn caalami ah ayaa durba ka dhalatay dilkeeda.

“Aad baan uga argagaxay dilka Bulgaria loogu gaystay Viktoria Marinova oo ah saxafiyad barnaamijyada dabogalka ah samayn jirtay,” ayuu Twitterka ku soo qoray Harlem Desir oo ah wakiilka xoriyadda warbaahinta u qaabilsan ururka iskaashiga ammaanka ee Yurub.

“Waxaan si degdeg ah ugu baaqaynaa in si buuxda baaritaan loogu sameeyo dilkan”. Dadka masuulka ka ahna lala xisaabtamo. Ayuu intaas ku sii daray Harlem Desir

Marinova ayaa ah saxafigii saddexaad ee magac leh ee lagu dilo Midawga Yurub sannadkii hore iyo midkii afraad ee la dilo tan iyo billowgii 2017kii.

Xigasho/BBC







Click here
10/8/2018 2:42 PM EST
Isniin, October, 08, 2018 (HOL) - Wasiirka warfaafinta Puntland,Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa sheegay in wasiirrada Puntland aysan tagi karin Muqdisho, si la mid ahna aysan suragal u noqon doonin wasiirrada Federaalka inay kulamo ku qabtaan Puntland.

10/8/2018 2:16 PM EST
Isniin, October, 08, 2018 (HOL) - Guddiga dib u eegista dastuurka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

10/8/2018 12:43 PM EST
Isniin, October, 08, 2018 (HOL)-Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin iyo wasiirka horumarinta ciyaaraha Somaliland Boos Mire Dacar iyo masuu'liin kale ayaa manta dhagax dhigay dhisme balaadhin ah oo lagu kordhin doono garoonka ciyaaraha Gobolka Sool ee Cabdi Bile Cabdi.

10/8/2018 12:09 PM EST
Isniin, October, 08, 2018 (HOL) -Lix boqol iyo todoba arday ayaa maanta ka qalinjabiyey jaamacada Admas ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo munaasibad balaadhan loogu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

10/8/2018 9:47 AM EST
Isniin, October, 08, 2018 (HOL) - Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka sare ayaa maanta kullan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay kaga hadleenn ka tashiga furitaanka kalafadhiga 4-aad ee Golaha Aqalka sare iyo waliba xogwareysi halka uu marayo dadaaladii ay wadeen Aqalka sare ee lagu xalinayay khilaafka Dowladda Federaalka iyo Maamul Gobolleedyada dalka.

10/8/2018 7:42 AM EST
Isniin, October, 08, 2018 (HOL)– Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa ku laabtay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul-gobolleedka , kaddib safar uu ku tagay magaalad Nairobi.

10/8/2018 7:19 AM EST
Isniin, October, 08, 2018 (HOL)– Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta ka soo muuqday markii saddexaad maxkamad ku taalla magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

10/8/2018 6:42 AM EST
Isniin, October, 08, 2018 (HOL)– Dhallinyarada magaalada Gaalkacyo oo dalbanaya inuu cadaalad helo nin dhallinyaro ah oo xalay lugu dilay magaalada Gaalkacyo ayaa goor dhow shaaciyay inay cabashadooda ku soo bandhigi doonan Isu soo baxyo saddex maalin soconaya.

10/8/2018 5:39 AM EST
Isniin, October, 08, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay haddii ay ku caddaato boqortooyada Sacudi Carabiya inay dileen saxafigii la waayey , xilli uu booqanayey qunsuliyadda Sucuudigu uu ku leeyahay magaalada Istanbuul inuu xuman doono xiriirka kala dhaxeeya.

10/8/2018 5:23 AM EST
Isniin, October, 08, 2018 (HOL)– Guddiga amniga gobolka Nugaal ayaa amar ku bixiyay inan magaalada Garoowe ee xarunta Puntland lugu qaban karin shir aan haysan fasaxa guddiga amniga.

10/8/2018 5:04 AM EST
Isniin, October, 08, 2018 (HOL)– Dowladda Shiinaha ayaa markii ugu horreeyay shaaca ka qaaday inay baaritaan ku hayaan madaxa hay'adda booliiska caalamiga ah ee Interpol oo la waayey ku dhawaad labo toddobaad kahor.

10/8/2018 3:45 AM EST
Isniin, October, 08, 2018 (HOL)–Dable Boliis Maxamed Cabdikariin Cabdullaahi ayaa laga soo qabtay agagaarka jaamacadaha degmada Hodan xilli uu dhac u geysanayay dadka ka soo baxay salaada subax iyo kuwa u sii socday masjidyada ku yaallo xaafadaha degmada Hodan.

10/8/2018 2:21 AM EST
Isniin, October, 08, 2018 (HOL)–Wasiirka Ingiriiska ee arrimaha Afrika, Harriett Baldwin, oo booqasho ku timid Soomaaliya ayaa kulan ay magaalada Muqdisho kula yeelatay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaliya Amb. Francisco Madeira waxa ay sheegtay bixitaan waqti hore oo ciidanka AMISOM ay ka baxaan Soomaaliya inay halis gelineyso ammaanka dalka,

10/8/2018 2:06 AM EST
Isniin, October, 08, 2018 (HOL)– Saddex ruux oo rayid ah ayaa ku geeriyootay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii koox dabley ah rasaas ku fureen gaari ay la socdeen dad shacab ah inta u dhaxeysa Gaalkacyo iyo Hobyo.

10/8/2018 1:52 AM EST
Isniin, October, 08, 2018 (HOL)– Hanti dhowrka guud ee Qaranka ayaa lagu wadaa maanta oo Isniin ah in uu hortago kulan magaalada Muqdisho ay ku yeelanayaan xildhibaannada Golaha Shacabka.