4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 8 , 2018
Xaaf: Shirkii Nairobi waxaan gudbinay culeysyadda aan wajaheyno

Isniin, October, 08, 2018 (HOL)– Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa  galinkii dambe ee Axaddii ku laabtay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul-gobolleedka , kaddib safar uu ku tagay magaalad Nairobi.

Xaaf, ayaa ka mid ahaa ilaa afar hoggaamiye oo magaalada Nairobi ku sugnaa maalmihii u dambeeyay, waxaa ka mid ah madaxweynayaasha Jubbaland, Koonfurgalbeed iyo Puntland.

"Si kadis ah ayaan isugu aragnay Nairobi.. qof walba wuxuu u socdey ujeeddo gaar ah, balse waan isku aragnay halkaas, anniga xitaa wax badan ma sii joogin." ayuu yiri madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay joogitaanka madaxda dowlad-gobolleedyada ee magaalada Nairobi.

Madaxweynaha Galmudug, wuxuu beeniyay wararka ku aadan in hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada ay si wadajir ah ula kulmeen wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya, wuxuu dhanka kale caddeeyay inay siyaabo gaar gaar ah ula shireen.

" Shirkii Nairobi kaliya waxaan gudbinay culeysyadda aan wajaheyno ee ma uusan jirin mid yeelanay madaxdeena dowlad-gobolleedyada." ayuu yiri madaxweynaha Galmudug oo dhanka kale xaqiijiyay magaalada Garoowe inay ku shirayaan madaxda dowlad-gobolleedyada, kulanka oo u sheegay in looga dooddi doono xaaladda ka taagan dalka iyo qodobbadii ka soo baxay shirka Kismaayo.

Toddobaadkii u dambeeyay waxaa aad loo hadal hayay safarka ay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ku joogan madaxad dowlad-gobolleedyada ,kuwaa oo xiriirka u jaray dowladda dhexe ee federaalka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]