4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 8 , 2018
Hoggaamiyihii hore ee deegaanka Soomaalida Itoobiya oo markii saddexaad la soo taagay maxkamad

Isniin, October, 08, 2018 (HOL)– Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, Cabdi Maxamuud  Cumar ayaa maanta ka soo muuqday markii saddexaad maxkamad ku taalla magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Hoggaamiyihii hore wuxuu wajahaya eedeymo la xiriira xad gudub ka dhan ah xuquuqda aadanaha, kicinta rabshadihii ka dhacay Jigjiga iyo deegaanno kale, waxaa inta dheer in sidoo kale loo haysto musuqmaasuq.

Cabdi Maxamuud  , haddii lagu helo eedeymahan waxaa la sheegay inuu ku muteysan karo xabsi waqti dheer ah,in kasto markii u dambeysay ee maxkamad la horkeenay uu dalbaday in cafis loo fidiyo, isagoo marka si gaar ah dalabka ugu diray ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Ilaa hadda ma cadda in maxkamadda ay maanta go'aan ka gaareyso dacwada loo heysto hoggaamiyihii hore ee deegaanka Soomaalida, waxaana ku sugan maxkamadda xubno ka tirsan qoyskiisa, eheladiisa iyo qareenno u doodaya oo ka qaybgalay dhageysiga maxkamadda ay dhageysanayso dacwada loo haysto.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa laga xirey guri ku yaalla  magaalada Addis Ababa 27-dii bishii Agoosto ee sannadkan, maalin ka kaddib markii baarlamaanka deegaanka uu xasaanaddii ka qaaday isaga iyo 6 mas'uul oo kale.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]