4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 8 , 2018
Isu soo baxyo saddex maalin soconaya oo Gaalkacyo looga dhawaaqay

Isniin, October, 08, 2018 (HOL)– Dhallinyarada magaalada Gaalkacyo oo dalbanaya inuu cadaalad helo nin dhallinyaro ah oo xalay lugu dilay magaalada Gaalkacyo ayaa goor dhow shaaciyay inay cabashadooda ku soo bandhigi doonan Isu soo baxyo  saddex maalin soconaya.

Xaamud Cabdullaahi Warsame oo ku magac dheera Xaamud Wardheere ayaa u geeryooday saakay rasaas ay ku fureen koox aan wali la aqoonsan oo la xiriirinayo kooxo dhac u geysta dadka shacabka ah oo muddooyinkii dambe ku soo badanayay magaalada Gaalkacyo.

"Waxaan doonayna cadaalad... waxaan ka doonayna dowladda inaysan xaaladan nagu daawan oo ay wax ka qabato." ayay dhallinyarada sheegeen iyagoo warbaahinta la hadlay markii laga soo noqday aaska allaha u naxatisto,Xaamud Cabdullaahi.

Dibed-baxyo billaabanaya Talaadada berri ah oo soconaya illaa khamiista ayay dhallinyaradu sheegeen inay ku soo bandhigayaan cabashadooda,iyagoo bulshada deegaanka ugu baaqay inay u diyaar garoobaan siddii wadajir loola dagaallami lahaa kooxaha dhaca iyo dilka ka gaysta magaalada Gaalkacyo.

Hay'adaha ammaanka ilaa hadda ma jiro warbixin ka soo baxday oo dilkan looga hadlay, kaas oo ku soo aadaya xilli toddobaadyadii u dambeeyay magaalada Gaalkacyo lagu dilay ugu yaraan afar ruux oo dhallinyaro ah dilkoodana lala xiriiriyay kooxo dhac ka gaysta xaafadaha waqooyiga Gaalkacyo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]