3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 8 , 2018
Turkiga oo u digay boqortooyada Sacuudi Carabiya
Jamal Khashoggi
Jamal Khashoggi

Isniin, October, 08, 2018 (HOL)–  Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay haddii ay ku caddaato boqortooyada Sacuudi Carabiya inay dileen saxafigii la waayey , xilli uu booqanayey qunsuliyadda Sacuudigu uu ku leeyahay magaalada Istanbuul inuu xuman doono xiriirka kala dhaxeeya.

Erdogan , ayaa inta ku daray Sacuudiga inuu sidoo kale dilkan ku waayi doono xukuumadaha London, Washington iyo kuwa kale ee reer galbeed ah in ay dib uga fiirsadaan jacaylka ay u qabaan dhaxal sugaha Sucuudiga Mohamed bin Salman.

"Sawirka cusub ee Sucuudigu ma noqon doono mid isbeddel xambaarsan ee wuxuu noqon doonaa dal shirqool dil ka gaystay ciid dal ajanabi ah." ayuu yiri madaxweynaha Turkiga oo ku tilmaamay arrinta ku saabsan saxafigii la waayey mid niyad jab ah.

Turkiga baaritaano horudhac ah oo u shaaciyay ayaa lugu sheegay in Suxufiga rugcadaaga ah ee Sucuudiga u dhashay,Jamal Khashoggi  lagu dhex dilay qunsuliyadda Sucuudiga shirqool kaas oo ay ka qayb qaateen ciidamada Sacuudiga ee sida gaarka ah u tababaran, kuwaas oo maydkii meesha ka saaray.

Jamal Khashoggi ayaa aaday qunsuliyadda uu dalkiisu ku leeyahay Istanbul Talaadadii lasoo dhaafay si uu uga soo qaato warqado la xiriira arooskiisa oo dhici lahaa.

Qunsuliyadda Sucuudiga ayaa si wayn u beenisay arintaas, ayadoo sheegtay in Mr Khashoggi uu dhismaha qunsuliyadda ka baxay Talaadadii.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
10/8/2018 2:42 PM EST
Isniin, October, 08, 2018 (HOL) - Wasiirka warfaafinta Puntland,Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa sheegay in wasiirrada Puntland aysan tagi karin Muqdisho, si la mid ahna aysan suragal u noqon doonin wasiirrada Federaalka inay kulamo ku qabtaan Puntland.

10/8/2018 2:16 PM EST
Isniin, October, 08, 2018 (HOL) - Guddiga dib u eegista dastuurka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

10/8/2018 12:43 PM EST
Isniin, October, 08, 2018 (HOL)-Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin iyo wasiirka horumarinta ciyaaraha Somaliland Boos Mire Dacar iyo masuu'liin kale ayaa manta dhagax dhigay dhisme balaadhin ah oo lagu kordhin doono garoonka ciyaaraha Gobolka Sool ee Cabdi Bile Cabdi.

10/8/2018 12:09 PM EST
Isniin, October, 08, 2018 (HOL) -Lix boqol iyo todoba arday ayaa maanta ka qalinjabiyey jaamacada Admas ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo munaasibad balaadhan loogu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

10/8/2018 9:47 AM EST
Isniin, October, 08, 2018 (HOL) - Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka sare ayaa maanta kullan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay kaga hadleenn ka tashiga furitaanka kalafadhiga 4-aad ee Golaha Aqalka sare iyo waliba xogwareysi halka uu marayo dadaaladii ay wadeen Aqalka sare ee lagu xalinayay khilaafka Dowladda Federaalka iyo Maamul Gobolleedyada dalka.

10/8/2018 9:00 AM EST
Isniin, October, 08, 2018 (HOL) -Booliiska dalka Bulgaria ayaa baaritaan ku haya dilka loo gaystay Viktoria Marinova oo ah gabadh saxafiyad ah oo samayn jirtay barnaamijyo dabo gal ah.

10/8/2018 7:42 AM EST
Isniin, October, 08, 2018 (HOL)– Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa ku laabtay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul-gobolleedka , kaddib safar uu ku tagay magaalad Nairobi.

10/8/2018 7:19 AM EST
Isniin, October, 08, 2018 (HOL)– Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta ka soo muuqday markii saddexaad maxkamad ku taalla magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

10/8/2018 6:42 AM EST
Isniin, October, 08, 2018 (HOL)– Dhallinyarada magaalada Gaalkacyo oo dalbanaya inuu cadaalad helo nin dhallinyaro ah oo xalay lugu dilay magaalada Gaalkacyo ayaa goor dhow shaaciyay inay cabashadooda ku soo bandhigi doonan Isu soo baxyo saddex maalin soconaya.

10/8/2018 5:23 AM EST
Isniin, October, 08, 2018 (HOL)– Guddiga amniga gobolka Nugaal ayaa amar ku bixiyay inan magaalada Garoowe ee xarunta Puntland lugu qaban karin shir aan haysan fasaxa guddiga amniga.

10/8/2018 5:04 AM EST
Isniin, October, 08, 2018 (HOL)– Dowladda Shiinaha ayaa markii ugu horreeyay shaaca ka qaaday inay baaritaan ku hayaan madaxa hay'adda booliiska caalamiga ah ee Interpol oo la waayey ku dhawaad labo toddobaad kahor.

10/8/2018 3:45 AM EST
Isniin, October, 08, 2018 (HOL)–Dable Boliis Maxamed Cabdikariin Cabdullaahi ayaa laga soo qabtay agagaarka jaamacadaha degmada Hodan xilli uu dhac u geysanayay dadka ka soo baxay salaada subax iyo kuwa u sii socday masjidyada ku yaallo xaafadaha degmada Hodan.

10/8/2018 2:21 AM EST
Isniin, October, 08, 2018 (HOL)–Wasiirka Ingiriiska ee arrimaha Afrika, Harriett Baldwin, oo booqasho ku timid Soomaaliya ayaa kulan ay magaalada Muqdisho kula yeelatay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaliya Amb. Francisco Madeira waxa ay sheegtay bixitaan waqti hore oo ciidanka AMISOM ay ka baxaan Soomaaliya inay halis gelineyso ammaanka dalka,

10/8/2018 2:06 AM EST
Isniin, October, 08, 2018 (HOL)– Saddex ruux oo rayid ah ayaa ku geeriyootay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii koox dabley ah rasaas ku fureen gaari ay la socdeen dad shacab ah inta u dhaxeysa Gaalkacyo iyo Hobyo.

10/8/2018 1:52 AM EST
Isniin, October, 08, 2018 (HOL)– Hanti dhowrka guud ee Qaranka ayaa lagu wadaa maanta oo Isniin ah in uu hortago kulan magaalada Muqdisho ay ku yeelanayaan xildhibaannada Golaha Shacabka.