4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 8 , 2018
Xukuumadda Shiinaha oo xaqiijisay inay xabsi ku heyso madaxa hay'adda Interpol

Isniin, October, 08, 2018 (HOL)– Dowladda Shiinaha ayaa markii ugu horreeyay shaaca ka qaaday  inay baaritaan ku hayaan madaxa hay'adda booliiska caalamiga ah ee Interpol oo la waayey ku dhawaad labo toddobaad kahor.

Saraakiisha Shiinaha waxaa ay sheegeen in Meng Hongwei xabsiga loo taxaabay markii diyaaradii sidday ay caga-dhigatay dalkaasi, waxaana ku socda baaritaan tuhun la xiriira meel ka dhac dhanka sharciga ah.

Guddiga qaranka ee la-dagaallanka musuq maasuqa ee xukuumadda Beijing ayaa sheegay warka la xiriira in  la xiray madaxa hay'adda booliiska caalamiga ah ee Interpol ,kaddib howlgal ballaraan oo musuq maasuqa ka dhan ah oo uu amray madaxweyne Xi Jinping, kaasoo horseeday in toddobaadyo ama bilo dhowr ah la waayo masuuliyiin sar sare.

Mr Meng ayaa lasoo xidhiidhay qoyskiisa 25-kii bishii hore ee September kaddib markii uu ka amba baxay magaalada dalka Faransiiska kutaal ee Lyon oo xarun u ah Interpol. Xaskiisa Grace Meng shir jaraa'id oo ay qabatay waxay sheegtay in farriintii ugu dambeysay ee u teleefoonkeeda gacanta uu ugu soo diray ay ahayd sawirka toorri, taasoo u xaqiijisay in uu xaalad khatar ah ku jiro.

Docda kale, xarunta Interpol ee ku taal magaalada Lyon ayaa shaacisay in Meng uu iska casilay xilkii uu u hayay hay'adaasi, dhawaanna la dooran doono ciddii bedeli lahayd. Balse Interpol ma aanay sheegin qaabka uu isu casilay.

Tan iyo markii la waayay Mr Meng , waxaa lagu wareersanaa halka uu ku suganyahay,balse hadda mar kale waxa la is waydiinayo ayaa ah dacwadaha loo haysto iyo waxa uu wajihi doono.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]