Isniin, October, 08, 2018 (HOL)– Dable Boliis Maxamed
Cabdikariin Cabdullaahi ayaa laga soo qabtay agagaarka jaamacadaha degmada
Hodan xilli uu dhac u geysanayay dadka ka soo baxay salaada subax
iyo kuwa u sii socday masjidyada ku yaallo xaafadaha degmada Hodan.
Dadka degmada ayaa ku war geliyay gudoomiye
waaxeedka xaafadda iyo taliyaha rugta Boliiska, waxa ayna si wada jir ah u
sameeyeen howlgal lagu baadi doonayay eedeysanaha, waxa ayna soo qabteen 17-kii
bishii Sagaalaad (9) ee sanadkan.
Isla maalintaas ayay u soo wareejiyeen xafiiska xeer
ilaalinta ciidamada dambi baarista Amniga Dable Boliis Maxamed Cabdikariin
Cabdullaahi, waxaana xafiiska xeer ilaalinta weydiistay Garsoorayasha
Maxkamadda in loo gudbiyo xabsiga garsuge ahaan.
Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa 25-kii Bishii
sagaalaad (9) ee sanadkan Baaritaan dheeraad kadib waxa ay soo dhameystireen
galdacwadeedka eedeysane Dable Boliis Maxamed Cabdikariin
Cabdullaahi waxa ayna codsadeen in la muddeeyo dacwad qaadistiisa.
Maxkamdda ayaa u fariisatay dacwadda ka dhanka ah
eedeysanaha, waxa ayna dhageysatay dhinacyada xeer ilaalinta iyo qareenka u
doodayay eedeysanaha, waxaa sidoo kale Maxkamadda lagu soo bandhigay
dhibanayaashii dhacca loo geystay iyagoo laga dhageystay dhammaan cabashadooda.
Mid kamid ah dhibanayaasha ayaa u sheegay garsoorayaasha
Maxkamadda in xilliga dhacca loo geysanayay uu u cararay Masjidka balse nasiib
xumo uu eedeysanaha ka soo daba galay Masjidka sidaasna uu kaga qaatay
Teleefoonkiisa.
Xeer ilaalinta ayaa sidoo kale soo bandhigtay
Teleefanadii uu dhacay eedeysanaha, ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee
ciidamada qalabka sida Laba xiidigle Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa ku dooday in
eedeysanaha lagu xukumo xukun tusaala u noqon karo kuwa weli ku
mashquulsan dhacca dadweynaha.
Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa codsaday in laga
qafiifiyo xukunka Maxkamadda maadaama uu qiraal u yahay dambiyada lagu soo
oogay.
Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa go’aan ku gaartay in lagu
xukumo Maxamed Cabdikariin Cabdullaahi sideed (8)-sano oo xabsi ciidan ah, sida
uu u sheegay dhamman dhinacyada ka qeyb galayay dacwadda Gaashaanle Dhexe Xasan
Cabdiraxmaan Aadan Wabiyow.
Maalmahan dambe ayaa waxaa jiray cabashooyin badan oo ay
soo gudbinayeen dadka ku dhaqan qaar ka mid xaafadaha magaalada, waxaana
xukunka Maxkamadda riday uu u yahay fariin kuwa weli ku howlan dhaca
dadweynaha, Xukunsaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalbnan karo rafcaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]