4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 8 , 2018
UK : Waxaa naga go’an sii wadista taageerada dhaqaale ee howlgalka AMISOM Soomaaliya

 

Isniin, October, 08, 2018 (HOL)– Wasiirka Ingiriiska ee arrimaha Africa, Harriett Baldwin, oo booqasho ku timid Soomaaliya  ayaa kulan ay magaalada Muqdisho kula yeelatay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaliya Amb. Francisco Madeira waxa ay sheegtay bixitaan waqti hore oo ciidanka AMISOM ay ka baxaan Soomaaliya inay halis gelineyso ammaanka dalka,

Wasiirka Ingiriiska ee Arrimaha Africa ayaa ku baaqday bixitaan tartiib tartiib ah oo aan deg deg aheyn kuna saleysan hadba awooda ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Waxaa ay booqatay xarunta booliska lagu tababaro taasi oo ay maalgaliso UK iyo xarumaha AMISOM, iyado ka codsatay wadamada adduunka in ay sii kordhiyaan deeq bixintooda lacageed ee ku aadan AMISOM.

Booqashada wasiir Harriett Baldwin ayaa qeyb ka ahayd qorshaha dhamaystirka taageero dhaqaale oo dheeraad ah oo ra’iisul wasaaraha Ingriiska, Theresa May, ay Soomaaliya u ballan qaaday intii ay ku gada jirtay socdaal ay ku timid qaaradda Africa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]