4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 8 , 2018
Khasaare ka dhashay gaari lagu rasaaseeyay gobolka Mudug

 

Isniin, October, 08, 2018 (HOL)– Saddex ruux oo rayid ah ayaa ku geeriyootay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii koox dabley ah rasaas ku fureen gaari ay la socdeen dad shacab ah inta u dhaxeysa Gaalkacyo iyo Hobyo.

Qaar ka mid ah dadkii la socday gaariga rasaasta lagu furay ayaa sheegay in marka hore dableydu ku amreen waddaha gaariga in uu istaago, balse darawalka oo aan la socon amarka la siiyay uu gaariga iska sii waday, taasoo keentay in ay rasaas huwiyaan.

Maleeshiyada rasaasta ku furtay gaariga ayaa sidoo kale dhac u geysatay dadkii la socday gaariga, iyaga oo markii danbe-na goobta isaga dhaqaaqay.

Goobta weerarkan uu ka dhacay waxaa maalmihii ugu danbeeyayba ka taagneyd xiisad dagaal oo u dhaxeysa labo maleeshiyo beelleed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]