4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 8 , 2018
Hanti dhowrka Qaranka oo maanta hortagaya xildhibaannada Golaha Shacabka

 

Isniin, October, 08, 2018 (HOL)– Hanti dhowrka guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye). ayaa lagu wadaa maanta oo Isniin ah in uu hortago kulan magaalada Muqdisho ay ku yeelanayaan xildhibaannada Golaha Shacabka.

Fadhigan oo ah kii caadiga ahaa oo ay xildhibaannadu yeelan jireen ayaa ajandihiisa wuxuu yahay aqrinta koowaad ee dib u eegista hindise sharciyeedka hanta-dhawraha.

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa maalmihii ugu danbeeyay mashquul ku ahaa dib u eegi lagu sameynayo handise sharciyeedyo hore yaala golaha kuwaa oo ay soo gudbiyeen wasaarraddaha iyo hay'addaha kala duwan ee dowladda.

Xildhibaannada ayaa soo gabagabeeyay hindise sharciyeedka nidaaminaya naqshadeynta magaalooyinka, horumarinta dhismayaasha iyo maamulka dhulka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]