4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 7 , 2018
Xildhibaannada Hirshabeelle oo ka laabtay mooshin ka dhan ahaa madaxweyne Waare

 

Axad, October, 07, 2018 (HOL)–Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa sheegaya in xildhibaannada baarlamaanka dib uga noqdeen mooshin ay dhawaan u gudbiyeen guddoonka baarlamaanka oo ka dhan ahaa madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Kaddib kulan caawa ka dhacay magaalada Jowhar oo ay ka qeyb-galeen madaxda ugu sareysa maamulka iyo xubno ka tirsan labada gole ayuu ka sheegay guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Cismaan Barre Maxamed in dib looga noqday mooshinkii ay soo gudbiyeen xildhibaannada Hirshabeelle.

Wuxuu sheegay in markii ay arkeen xildhibaannada natiijada ka dhalan karta mooshinka iyo in aysan waxba dan ah ugu jirin hormarka dadka iyo deegaanka intaba garwaaq-sadeen in ay dib uga laabtaan.

‘’Mooshinka markii hore-ba ma aheyn mid  cid gaar ah lagu colaadinayay, laakiin waxaan u arkayay oo kaliya toosin iyo in howlaha maamulka la dardargaliyo, waxaan diyaar u ahay aan dhageysto dhaliilaha iyo la xisaabtanka xildhibaannada lana saxo mar walba wixii naga qaldama’’ ayuu yiri Madaxweyne Waare oo kulanka ka hadlay.

Kulanka waxaa looga dhawaaqay go’aankan ay gaareen mudanayaasha baarlamaanka Hirshabeelle waxaa ku sugnaa madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo shalay deg deg ugu laabtay Jowhar, madaxweyne ku-xigeenka Cali Guudlaawe, guddoonka baarlamaanka, Wasirro iyo xildhibaannada maamulka.

Go’aankan ayaa noqonaya mid ka dhax baxay kulamo tan iyo markii uu madaxweyne Waare dib ugu laabtay Jowhar soconayay, waxaana muuqata in Hirshabeelle si hoose u xalisatay arrimaha dhaxdeeda ah, si meesha looga saaro khilaaf iyo is qab qabsi sababa bur bur ku yimaada hay’addaha maamulka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]