4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 7 , 2018
Al-Shabaab oo sheegatay gudaha Muqdisho in ay boqollaal ruux ku guddoonsiiyeen Zako

Axad, October, 07, 2018 (HOL) – Kooxda Al-Shabaab ayaa markii ugu horreeysay muddo dheer kaddib baahisay in afhayeenkooda Sheekh Cali dheere uu kula hadlay Muqdisho boqollaal ruux oo ururka uu guddoonsiiyay lacago Zako ah, sida ay baahisay warbaahinta ururka taageerta.

Al-Shabaab ayaa warka ay baahiyeen ku sheegtay in dadka loo qeybiyay lacagaha Zakada ah ay gaarayeen in kabadan 200 oo ruux, waxayna lacaguhu kala ahaayeen saddex qeybood oo kala ah 1000$, 500$ iyo qeybta ugu yar oo ahayd 200$.

Lacagaha ayaa la sheegay dadka loo qaybiyay inay isugu jiraan rag iyo dumar oo ay ka mid ahaayeen dad naafo ah, waxaana afhayeenka ururka oo sawirro la baahiyay ka soo muuqday  uu sheegay in lacagta laga soo ururiyay dadka hantida leh ee magaalada Muqdisho,goobta lugu qaybiyay lacagta Zakada ah ayaa la sheegay inay ka soo qaybgaleen waxgarad iyo nabadoonno caan ka ah magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ilaa hadda ma jiro warbixin ka soo baxday oo ku aadan sheegashada al-Shabaab ee ah  inay lacago ku qaybiyeen gudaha magaalada Muqdisho.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]