Madaxweynaha Soomaaliya oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha Jarmalka iyo Faransiiska
Axad, October, 07, 2018 (HOL) – Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa
warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Faransiiska iyo
Jarmalka oo baddalaya danjireyaashii hore ee dalalkaas u joogay Soomaaliya.
Danjiraha
Dalka Faransiiska Marwo Aline Kuster-Menager ayaa Madaxweynaha u gudbisay
farriiin ay uga sidday Madaxweynaha Dalkeeda Mudane Emmanuel Macron, taas oo ku
saabsan bogaadinta guulaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tallaabsatay
iyo dhiirri gelinta qorsheyaasha horumarineed ee la higsanayo.
Danjire
Aline ayaa tilmaamtay in dalkeedu uu kaalin ka qaadanayo dhammaystirka
dadaallada cafinta daymaha lagu leeyahay Soomaaliya iyo tayeynta Ciidamada
Qalabka Sida.
Sidoo
kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka
guddoomay Danjire Annette Gunthe si ay dalkeeda Jarmalka ugu matasho
Soomaaliya, isagoona kula dardaarmay in ay sii xoojiso xiriirka saaxiibtinimo
ee labada dal.
Danjire
Gunthe ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka taageeri doonaan kobcinta xirfadaha
iyo barashada farsamada gacanta, taas oo lagu xoojinayo fursadaha shaqo ee
dhallinyarada Soomaaliyeed.
Madaxweyne
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay xoogga
saareyso dhismaha ciidanka, kobcinta dhaqaalaha, dhammeystirka hannaanka
dimuqraadiyadda, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo kor-u-qaadista fursadaha
shaqo ee dhallinyarada, dhammaan qorsheyaashaasna ay gacan ka geystaan Midowga
Yurub oo ay hormuud u yihiin dalalka Jarmalka iyo Faransiiska.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]