4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 7 , 2018
Madaxweynaha Somaliland oo xafkiisa ku qaabiley wefti ka socda Dalka Ingiriiska


Axad, October, 07, 2018 (HOL) – Madaxweyne Muuse Biixi ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefti ka socda dalka Ingiriiska oo ay hoggaaminayso wasiiru-dawlaha dalka Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Afrika, ahna madaxa hay’adda horumarinta caalamiga ah ee DFID. Harriett Baldwin.

Kulankan waxa madaxweynaha kula wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Saylici, wasiirka arrimaha dibadda, Dr. Sacad Cali Shire iyo wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska, Ayaan Maxamuud Cashuur.

Markii uu kulankaasi dhamaaday waxa warbaahinta la hadlay wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland iyo wasiiru dawlaha dalka Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Afrika, kuwaas oo sheegay inay ka wada hadleen mashaariicda horumarineed ee ka socda Somaliland ee gacanta ka gaysatay Ingiriiska, wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya iyo doorashooyinka soo socda ee la filayo inay ka qabsoomaan horaanta sanadka soo socda.

“Madaxweynaha iyo weftigu waxa ay ka wada hadleen arrimo badan oo ay kamid tahay iskaashiga labada dal ee dhinacyada iskaashiga, horumarka, nabadgelyada, kaabayaasha, doorashooyinka iyo wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, wada-hadalkaasina si wacan buu u dhacay, ingiriiskuna waa dawladda inoogu deeqda badan, aad iyo aadna waannu uga mahadcelinayey deeqdaas uu Ingiriisku ina siiyo, waxana aannu isla meel-dhignay inaynnu is-kaashigeennaa iyo wax wada-qabsigeennaas aynnu halkaas kasii wadno.”ayuu yidhi wasiir Sacad oo dhankiisa ka hadlayey wuxuu daarnaa kulankaasi.

Sidoo kale,Wasiiru-dawlaha dalka Ingiriiska u qaabilsan qaaradda Afrika, Mis, Harriett Baldwin oo iyaduna ka hadlaysa waxay ka wada hadleen madaxweynaha waxay tidhi “ maantana waxa aan indhahayga kusoo arkay qaar kamid ah mashaariicda uu dalkaygu maalgeliyo ee loogu talo galay dadka reer Somaliland. Sanduuqa horumarinta Somaliland (Somaliland Development fund) waxa uu gacan siinayaa mashruuca biyo ballaadhinta Hargeysa, waxana aan aad ugu faraxsanahay inaan maanta halkan kaga dhawaaqo bilowga wejiga labaad ee mashruuca horumarinta Somaliland oo aannu ugu deeqaynno 25-Milyan oo bound oo wax lagaga qabanayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka Somaliland.”

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland