4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 7 , 2018
Wasiirka arrimaha dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Faransiiska


Axad, October, 07, 2018 (HOL) –  Safiirka cusub ee Faransiiska ayaa maanta soo gaartay magaalada Muqdisho,halkaas oo u ku qaabilay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Danjire Axmed Ciise Cawad,wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya  ayaa ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo safiirka Faransiiska ee Soomaaliya, Aline Kuster-enager.

Wasiirka arrimaha dibadda ayaa u hambalyeeyay safiirka cusub, isagoo rajo ka muujiyay in Danjirad Aline horumarin doonto xiriirka Soomaaliya iyo Faransiiska.

Safiirka Faransiiska, haweeneyda Aline Kuster-Menager ayaa dhankeeda  carabka ku adkeysay in dadaal ballaaran ku bixin doonto sidii ay sare ugu qaadi lahayd xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo Faransiiska u dhexeeya oo ay gaarsiiso heer aad u sarreeya.

Intii kulanka qaabilaada uu socday waxa ay labada dhinac kaga wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda France sidii lagu horumarin lahaa wax u adeegaya dana wadaagga labada dal iyo labada shacab.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]