4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 7 , 2018
Puntland: Musharrixiinta oo loogu baaqay inay dhimaan ilaaladooda

Axad, October, 07, 2018 (HOL) – Maamulka gobolka Nugaal ayaa ka dalbaday musharrixiinta ka qaybgalaya doorashada madaxweynaha ee magaalada Garoowe ka dhacaysa bilowga sannadka 2019-ka inay dhimaan gaadiidka iyo ilaalada la socota.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal,Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu'jir) ayaa ka sheegay munaasabad lagu qabtay Garoowe in ilaalada kala duwan iyo gaadiidka ciidanka ee musharrixiinta ay wax u dhimayaan amniga iyo muuqaalka caasimadda, si taas looga baaqsadana wuxuu ka dalbaday musharrixiinta inay ka qayb-qaatan amniga oo ay dhimaan ilaalada la socota.

"Garoowe waa caasimaddii si amniga uusan faraha ugu bixin muuqaalka caasimaddana uu u noqdo mid amni ah, waxaan ugu baaqeynaa musharrixiinta inay dhimaan ilaalada iyo gaadiidka ciidanka." ayuu yiri guddoomiyaha dhawaan la magacaabay ee gobolka Nugaal.

Maamulka , waxaa kalo u ballan-qaaday xoojinta nabadgalyadda magaalada caasimadda ah ee Garoowe oo ka mid ah deegaannada nabdoon ee dalka oo dhan.

Doorashada madaxweynaha Puntland  iyo ku xigeenkiisa ayaa lagu wadaa in magaalada Garoowe ay ka dhacdo marka la gaaro siddeeda bisha Jannaayo ee sannadka 2019-ka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]