Axad, October, 07, 2018 (HOL) – Magaalada Garoowe ee xarunta dowlad gobolleedka Puntland waxaa maanta ka dhaceysa doorashada mid ka mid ah kuraata xildhibaannada Golaha Shacabka oo uu dhawaan iska casilay Daahir Cali Faarax.
Doorashadan oo ah mid xiiso badan ayaa waxaa xubnaha ku tartamaya ka mid ah wasiirka Qorsheynta dowladda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xassan oo loo saadaalinayo in uu kursigan ku soo bixin doono.
Wasiir Jamaal ayaa ka mid ah xubnaha golaha Wasiirradda ee ugu cad cad xukuumadda hadda jirta, waxaana uu qorsheynayaa in uu ka mid noqdo xildhibaannada Golaha Shacabka.
Xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre tirada ugu badan waa xildhibaanno ku jira Golaha Shacabka, dhawaanna waxaa jira xildhibaanno dood ka keenay in xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka uu Wasiir noqon karo taa oo meesha ka saareysa la xisaabtanka xukuumadda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online [email protected]