Axad, October, 07, 2018 (HOL) - Senatka
Mareykanka ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii ansixiyay Brett Kavanaugh in uu
noqdo garsoore ka tirsan maxkamadda sare ee Mareykanka, kadib isbuucyo hareeyay
noloshiisa eedeymo la xiriira kufsi iyo in uu yahay qof xanaaq badan.
50 senator, oo mid kaliya uu Dimuqraaddi ka
yahay, ayaa ku codeeyay 'Haa,' halka 48 senator oo wada Dimuqraaddi ahna ay
'Maya' ku codeeyeen.
Quburrada ka faallooda siyaasadda, ayaa sheegaya
in magacaabista Kavanaugh ee madaxweyne Donald Trump uu u xushey shaqada
maxkamadda sare ay maxkamadda sare ka dhigi doonto mid ay ku bataan garsoorrada
muxaafadka ah.
Kavanaugh, ayaa ah 53 jir, waxana shaqada loo
igmaday ay tahay mid uu joogi karo inta noloshiisa ka dhiman.
Kavanaugh ayaa baddalaya garsoore Anthony
Kennedy, oo dhawaan howl-gab ka noqdey howsha shaqada.
Xigasho/VOA