4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 5 , 2018
Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo qabtay mooshin ka dhan ah madaxweyne Waare

 

Jicmo, October, 05, 2018 (HOL) –Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa ugu danbeyntii qabtay mooshin ka dhan ah madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Xildhibaannada mooshin saxiixay ayaa la sheegay in ay gaarayaan 57 xildhibaan oo ku eedeeyay madaxweynaha qodobo ay ka mid yihiin qiyaanno Qaran, xilgudasho la’aan, ku takrifal awooddeed iyo waliba musuq-maasuq waa sida ay hadalka u dhiggeen xildhibaannada mooshinka gudbiyay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa ka guddoomay xildhibaannada mooshinkan, waxaana lagu waramayaa in uu saxiixay guddoomiyuhu.

Mooshinkan ayaa muddo dheer-ba ahaa mid soo jiitamayay inkastoo marar badan xildhibaannadu ku guuldareysteen in gudbiyaan mooshinkan, hasse ahaatee waxaa muuqata in hadda ay ku guuleysteen in ay u gacan-galiyaan guddoonka baarlamaanka.

Lama oga tallaabada xigta ee uu qaadayo guddoonka baarlamaanka Hirshabeelle, kaddib aqbalaada mooshinka ka dhanka ah madaxweyne Waare.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]