4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 5 , 2018
Qarax carruur ku dilay deegaan hoostaga degmada Caabud-waaq

 

Jicmo, October, 05, 2018 (HOL) –Wararka naga soo gaaraya degmada Caabud-waaq ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in uu maanta halkaa ka dhacay qarax sababay dhimashada labo caruur ah oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

Deegaanka uu qaraxan ka dhacay oo lagu magacaabo Balli-Cad ayaa la sheega in ay qaraxa uu sababay dhimashada wiil iyo gabar da’yar ah oo lagu kala magacaabi jiray Farxiyo Maxamuud Mire, oo 15 sano jir ah iyo Shaafici Max’uud Mire oo isna 13 Sano jir ah.

Wararku waxaa ay sheegayaan in carruurtan oo loo soo diray in ay biyo soo dhamaamiyeen uu qaraxan ku haleelay geed ay ku hoosnasanayeen.

Waxaa loo maleynayaan in qaraxan uu ahaa mid xiliyo hore lagu aasay geedka hoostiisa, iyadoo deegaanka uu qaraxan ka dhacay marar badan hore ay dagaallo ka dhaceen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]