4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 5 , 2018
Tababar ku saabsanaa ilaalinta Xuquuqda Aadanaha oo loo qabtay qeybaha bulshada Beledweyne


Jicmo, October, 05, 2018 (HOL) –Tababarkan oo ay ka qeybgaleen dad laga soo kala xulay qeybaha kala duwan ee bulshada lagu-na baranayay Xuquuqda Aadanaha ayaa lagu soo gabaga-beeyay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Tababarkan ama Aqoon-isweydaarsigan oo socday muddo labo cisho ayaa waxaa casharo iyo la xiriira muhiimada ilaalada Xuquuqda Aadan ka soo jeediyay qaar ka mid ah Aqoon-yahannadii ka qeybgalay, iyaga oo dhinaca kalana ka dhageys-tay ka qeybgalayaasha aragtiyo iyo waliba su’aalo ku saabsanaa qodobka tababarku saabsanaa ee ilaalinta Xuquuqda Aadanaha.

Eng Cabdcasiis Mayow Maxamed oo ka socday hay’adda Bani’aadam oo hadal ka jeediyay tababarka ayaa ka qeybgalayaan ah u jeediyay muhiimada tababarkan u leeyahay bulshada, gaar ahaan dadka aan codkooda gaarin meesha sare, waxaana uu kula dardaaray dhinac-yadii ka qeybgalay in ay qeyb-weyn ka qaataan u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dadka aan codka laheyn.

Dr Cabdullaahi Cilmi oo dhankiisa u hadlay hay’adda SIRC oo tababarkan maalgalisay ayaa sheegay in gaar ahaan dhalinyarada looga baahan yahay in ay kaalinta ugu weyn ka geys-taan ilaalinta Xuquuqda Bani’daamka, madaama dhalinyaraddu yihiin kuwo saameyn weyn ku dhax leh bulshada.

Waa tababarkii ugu horeeyay ee noociisa ah oo lagu qabto magaalada Beledweyne waxaa maalgalintiisa iska kaashaday labada hay’addood ee kala ah Bani’aadam iyo SIRC, waxaana qabashada tababarkan fududeeyay Ururka dhalinyarada gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]