4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 5 , 2018
Yuusuf Daba-geed oo amray xarumaha waxbarashada in la suro calanka Hirshabeelle

 

Jicmo, October, 05, 2018 (HOL) – Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa warbaahinta kula hadlay magaalada Baladweyn, ayaa soo saaray amaro ka dhan ah dadka ku nool deeganada gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha ayaa ku amray goobaha waxbarashada lagu xiro calanka Soomaaliya iyo kan maamulka Hirshabelle, waxaana uu intaa ku daray in talaabo laga qaadayo maamulka dugsigii aan fulin awaamiirta maamulka.

Sidoo kale, waxaa uu soo saaray amar ah in ganacsiga laga qaado wadooyinka hareerohooda, si loo helo wadooyin dadka iyo gawaaridaba ay isticmaali karaan, gawaarida xoolaha ka qaada Baladweyn ayuu dhinaca kale faray in ay ka shaqeeyaan nadaafada magaalada.

Guddoomiyaha ayaa tan iyo markii xilka loo magacaabay soo saaray awaamiir kala duwan, isaga oo sidoo kalana xabsiga u taxaabay saraakiil ka tirsan hay’adda nabad-sugida oo la sheegay in ay ka biyo diideen xil ka qaadis lagu sameeyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]