4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 5 , 2018
Mozambique oo lagu maxkamadeynayo dad lala xariirinayo kooxaha xagjirka

 

Jicmo, October, 05, 2018 (HOL)–Dalka Mozambique 189 qof oo looga shakiyay in ay ka tirsan yihiin kooxaha xagjirka ayeey bilaawday maxkamad dhageysiga dacwadda ka dhanka ah.

Maxkamadda ayaa ugu billaabaneysa eedeysanayaashan khaymad ku taalla xabsigii ay ku jireen dhexdiisa, iyadoo xubnahani lagu soo eedeeyay inay ku lug lahaayeen weerarro ka dhan ah ciidamada booliiska iyo dad rayid ah oo ka dhacay gobolka Cabo Delgado.

Eedeysanyaashan ayaa ka soo kala jeeda waddamada, Mozambique, Tanzaniya, Congo, Soomaaliya iyo Burundi, waxaana ka mid ah 189-ka Qof ee ay maxkamaddu ugu billaabatay dalka Mozambique 42 Haween ah.

Waxaa lagu eedeeyay dadkan dambiyo ay ka mid yihiin dilka, isticmaalka Hubka la mamnuucay, falal ka dhan ah amniga Qaranka iyo qal-qal gelinta dad weynaha.

Sanad ka hor ayay ahayd markii ay Kooxo ku Hubeysan Garnaylo iyo Mindiyo ku dileen gudaha Dalka Mosambiik in ka badan 50 Qof, kuwaasoo oo ku doodaya inay Shareecada Islaamka ka hirgelinayaan degaannada ay muslimiintu ku badan yihiin ee dalkaasi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]