Mukhtaar Rooboow oo leyska hortaagay in uu u tartamo doorashada xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed
Jicmo, October, 05,
2018 (HOL) –Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur oo horey uga mid ahaa
saraakiisha sar sare ee Al-shabaab, laakiin sanadkii hore isku soo dhiibay
dowladda Soomaaliya ayaa maalintii shalay uga dhawaaqay magaalada Baydhabo in
uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed
Soomaaliya.
Rooboow oo dadweyne
kula hadlayay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in uu aqbalay codsi uga yimid
bulshada sidaa daraadeed yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Koonfur
Galbeed.
Laakiin qoraal ka
soo baxay wasaaradda Amniga dowladda federaalka Soomaaliya ayaa leysaga
hortaagay Rooboow in uu u tartamo xilka doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed
:
Qoraalka Wasaarradda Amniga ayaa u dhignaa sida :
Wasaarada amniga Gudaha Dowlada Federaalku Iyadoo ka duulaysa xilka iyo waajibaadka
dastuurka ku meel gaarka ah u igmaday gaar ahaan La-socodka xaaladaha amni ee
wadanka iyo Dabagalka heshiisyadii horey loola galay hay’adaha caalamka kuna
salaysan iskaashiga iyo wadashaqaynta amniga guud ee dalka, deriska iyo
caalamkaba.
Hadaba, Wasaarada Amniga Guduhu iyadoo gudanaysa waajibaadkeedaka
fulinaysana go’aanki madaxwaynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya cafiska ugu
fidiyey dhammaan horjoogayaasha iyo xubnaha ka tirsan ururada argagixisada ah
ee ku sugan wadanka gudahiisa, waxay dadaal dheer u gashay sidi looga miro
dhalin lahaa cafiska Madaxwaynahu ku dhawaaqay.
Talaabooyinka ay Wasaardu qaaday waxa ka mid ah, heshiiski ay la gashay
bulshada caalamka ee lagu (hakiyey) xayiraadi saarnayd Mukhtaar Roobow
(Abu-Mansuur), hase ahaatee ay shuruudo ku xirnaayeen in dhamaan laga wada
qaado cunaqabatayntii saarnayd, sida, xayiraada dhaqdhaqaaqa, xayiraada boliska
caalamka iyo xayiraada dhinaca dhaqaalaha.
Sidaas darteed, Wasaarada Amnigu iyadoo tixraacaysa heshiisyada ay la gashay
beesha caalamka ee la dagaalanka argagixisada, tix gelinaysana xuquuqda
muwaadinku u leeyahay inuu xil isu soo taago waxay cadaynaysaa in aanu Mukhtaar
Roobow (Abu-Mansuur) buuxin, fulina shuruudihi lagaga qaadayey dhammaan cuna
qabataynta aan soo sheegnay welina ay saaran yihiin cunaqabataynti dowladaha
caalamku saareen.
Taasina ay ka reebayso tartanka doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka
koonfur Galbeed.
Lama oga jawaabta uu
Mukhtaar Rooboow uu ka bixin doono warka ka soo yeeray wasaarradda Amniga
gudaha dowladda Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]