Jicmo, October, 05,
2018 (HOL) – Marwada koobaad ee waddanka Mareykanka, Melania Trump, ayaa waxa
ay dalka Kenya ku soo gaartay booqashadii ay ku maraysay afarta dal ee
Afrikaanka ah.
Booqashadeeda Kenya ayaa la filayaa in ay
diiradda ku saari doonto arrimaha la xiriira dhaqanka iyo ilaalinta duurjoogta.
Waxaa la xiray qeybta ka mid ah elaboorka
caalamiga ah Jomo Kenyatta markii ay soo caga dhiganaysay diyaaraddii sidday
Melania Trump. Waxa ayna maamulku qorsheeynayaan in marka ay dalka ka baxayso
ay sidaa si lamid ah sameeyaan.
Inta ay joogto dalka Kenya waxa ay booqan doontaa
xarumaha ugu caansan ee lagu dhaqaaleeyo duurjoogta, sidoo kalana waxa ay
daawan doontaa ruwaayad lagu soo bandhigaya Tiyaatarka Qaranka ee Kenya.
Dhanka kale Melania Trump ayaa markii labaad la
kulmi doonta dhigeeda marwada koobaad ee dalka Kenya. Waxa ayna Margaret
Kenyatta ku amaantay ololeheeda ay ugu magacdartay "Beyond Zero" kaas
oo lagu hormarinayo caafimaadka hooyada iyo dhallaanka.
Marwada u dhaxda Donald Trump ayaa iyadana la
imanaysa ololeheeda loogu magacdaray ''Be Best'' kaas oo lagu doonayo in lagu
hormariyo nolosha caruurta.
Ilaa iyo haatan qaaradda Africa si diiran ayaa
loogu soo dhaweeyay balse hadalladii adkaa ee uu Africa seeygeeda Trump u
adeegsaday bishii Janaayo ee aynu soo dhaafnay ayaa dadaaladeeda mugdi
galinaya.
Xigasho/BBC