3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 5 , 2018
Muwaadiniin Soomaaliyeed oo xalay lagu dilay dalka Koonfur Africa

 

Jicmo, October, 05, 2018 (HOL) –Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Africa ayaa sheegay in xalay burcad South African ah xalay toogasho ku dileen labo muwaadiniin Soomaaliyeed oo waqtigaa ku suganaa goobtooda ganacsi.

Gaar ahaan dilkan labada dhalinyarada ah ayaa ka dhacay magaalada Pretoria sida uu Hiiraan Online u sheegay goobjooge halkaa ku suganaa, waxaana labada dhalinyaradda ah ee la dilay lagu kala magacaabi jiray Cabdifitaax Gurey iyo Muumin Xusseen.

Isla goobtan ganacsi ee lagu dilay labada dhalinyarada ah ayaa labo habeen ka hor waxaa ay koox burcad South African ah dhaawac daran ugu geysteen dhalinyaro Soomaaliyeed.

Koonfur Africa waxaa caadi ka ah dilka iyo boobka lagula kaco gacansatada Soomaalida ah ee dalkaasi ku dhaqan, ilaa iyo haddama jirto tallaabo ay dowladdu ka qaatay dadka iyagu falalkan ku kacaya oo la sheegay in ay yihiin burcad madow South African ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
10/5/2018 2:30 PM EST
Jicmo, October, 05, 2018 (HOL) –Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa ugu danbeyntii qabtay mooshin ka dhan ah madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

10/5/2018 1:50 PM EST
Jicmo, October, 05, 2018 (HOL)–Wararka naga soo gaaraya degmada Caabud-waaq ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in uu maanta halkaa ka dhacay qarax sababay dhimashada labo caruur ah oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

10/5/2018 8:03 AM EST
Jicmo, October, 05, 2018 (HOL) –Tababarkan oo ay ka qeybgaleen dad laga soo kala xulay qeybaha kala duwan ee bulshada lagu-na baranayay Xuquuqda Aadanaha ayaa lagu soo gabaga-beeyay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

10/5/2018 7:19 AM EST
Jicmo, October, 05, 2018 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajisay in ay jiraan sharuudo wali ku xiran si loo soo daabaco lacag shilin Soomaali ah oo horay dowladdu u sheegtay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo daabici doonto.

10/5/2018 4:44 AM EST
Jicmo, October, 05, 2018 (HOL) – Ku dhawaad 50 qoys oo kasoo barakacay colaadda Soomaali Galbeed ee Oromada iyo Soomaalida ayaa gaaray degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

10/5/2018 4:37 AM EST
Jicmo, October, 05, 2018 (HOL)–Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa warbaahinta kula hadlay magaalada Baladweyn, ayaa soo saaray amaro ka dhan ah dadka ku nool deeganada gobolka Hiiraan

10/5/2018 2:41 AM EST
Jicmo, October, 05, 2018 (HOL)–Dalka Mozambique 189 qof oo looga shakiyay in ay ka tirsan yihiin kooxaha xagjirka ayeey bilaawday maxkamad dhageysiga dacwadda ka dhanka ah.

10/5/2018 2:29 AM EST
Jicmo, October, 05, 2018 (HOL) –Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur oo horey uga mid ahaa saraakiisha sar sare ee Al-shabaab, laakiin sanadkii hore isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya ayaa maalintii shalay uga dhawaaqay magaalada Baydhabo in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

10/5/2018 2:09 AM EST
Jicmo, October, 05, 2018 (HOL) – Marwada koobaad ee waddanka Mareykanka, Melania Trump, ayaa waxa ay dalka Kenya ku soo gaartay booqashadii ay ku maraysay afarta dal ee Afrikaanka ah.