4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 4 , 2018
Muqdisho: La-taliye xilka ku waayay munaasabad uu ka qaybgalay
Khamiis, October, 04, 2018 (HOL) – La-taliyaha arrimaha saxaafadda  ee maamulka gobolka Banaadir,Shadoor Xaaji Maxamuud ayaa xilka laga qaaday,sida ku cad qoraal ka soo baxdey xafiiska guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Xafiiska guddoomiyaha gobolka Banaadir ma faahfaahin sababta xilka looga qaaday Shadoor Xaaji Maxamuud , mana jiro hadal ka soo baxay la-taliyaha xilka laga qaaday.

Balse, xilka qaadista ayaa soo baxday saacado yar un kaddib markii la-taliyaha xilka laga qaaday uu ka soo muuqday munaasabad si rasmi ah loogu shaaciyay xisbiga cusub ee mucaaradka ah ee uu hoggaaminayo  madaxweynihii hore ee Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud.

Shadoor Xaaji ayaa hore u ahaa Agaasimihii warfaafinta madaxtooyadda xilligii uu ahaa madaxweynaha dowladda federalka Xasan Sheekh Maxamuud.


Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]