Madaxweyne Biixi oo daahfurey qorshaha qaran ee lagu hagi doono bahda garsoorka Somaliland
Khamiis, October, 04, 2018 (HOL) – Madaxweynaha
Somaliland Muuse Biixi ayaa si rasmi ah u daah-furay qorshaha qaran ee lagu
hagi doono bahda garsoorka Somaliland oo muddo dheer la isku soo dubbo-ridayey.
Kulanka lagu daah-furay qorshaha qaran ee lagu
hagi doono waaxda garsoorka ee dalka, ayaa waxa ka qayb-galay madaxweynaha
Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, guddoomiyaha maxkamadda sare, garyaqaan
Aadan Xaaji Cali Axmed, wasiirka caddaaladda, Cabdiqani Maxamuud Caateeye,
wasiirka horumarinta beeraha, Mudane, Axmed Muumin Seed, xeer ilaaliyaha guud,
Mudane Xasan Axmed Aadan, khubaro ka socotay mac-hadka tabobarka shaqaalaha
dawladda oo uu hoggaaminayo gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda, Mudane
Sharmaake Axmed Muxumed, madax ka socotay hay’adaha ay bahda caddaaladda
wada-shaqaynta leeyihiin, madaxda ururrada bulshada, xubno katirsan goleyaasha
sharci-dejinta qaranka iyo marti-sharaf kale, waxana halkaas lagu falanqeeyey
muhiimadda uu qorshahan qaran uu leeyahay iyo sida hufan ee loogu nashqadeeyey
tallaabooyin hore loogu marinayo waaxda garsoor ee qaranka.
Wasiirka wasaaradda caddaaladda, Mudane Cabdiqani
Maxamuud Caateeye iyo xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Mudane Xasan Axmed Aadan
oo madasha ka hadlay, ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay horumarinta garsoorka
iyo hannaanka caddaaladeed ee qaranku iyo sida ay ka masuuliyiin ahaan uga
go’an tahay inay qaranka u sameeyaan qorshe cad oo sannadaha soo socda la
raaco, kaas oo noqon doona toobiye cad oo ay bahda garsoorku isticmaasho.
Xubno ku hadlayey magaca hay’adaha bahda
garsoorka ka taageera arrimaha caddaaladda iyo garsoorka oo halkaas ka hadlay,
ayaa iyaguna si mug leh bahda garsoorka ugu ammaanay qorshaha ay diyaarsadeen,
waxana ay xuseen inuu qorshahani fure u noqon doono sidii loo heli lahaa jid
toosan oo garsoorku raaco.
“Waxaynnu ognahay inuu garsoorku yahay
laf-dhabarta qaranka, sababtoo ah mar walba waa meesha lagu eerto ee loosoo
noqdo haddii hay’adaha kale ee qaranku is qabtaan, wixii shuruuc ah ama distoor
ah ama fasiraad ah waa halka loo soo noqdo. Waxa kale oo aynnu ognahay inaanay
hay’adaha amnigu aanay la’aantood shaqaynin, waana halka ay kusoo
dhammaadaan.”ayuu yidhi gudoomiyaha maxkamadda sare Adan Xaaji Cali.
Guddoomiyaha maxkamadda sare, isaga oo hadalkiisa
sii wata waxa uu iftiimiyey inuu qorshahan cusub ee ay bahda garsoorku
hirgeliyeen yahay mid la jaan-qaadaya qorshaha horumarineed ee heer qaran,
“Qorshe-hawleedkan maanta yaallaana waa shan sanno, waxana loo baahday in la
dejiyo nidaam ku sar go’an qorshaha horumarineed ee labaad ee heer qaran (NPII)
ee madaxweynuhu hoggaaminayo, waxana uu qayb ka yahay qorshaha qaran ee guud,”
ayuu yidhi guddoomiye Aadan Xaaji Cali.
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi
oo kulanka daah-furay, ayaa carrabka ku adkeeyey shaqada adag ee ay bahda
garsoorku u hayaan bulshada iyo sida ay duruufaha adag ugu dhabar-adaygaan,
waxana uu yidhi, “Waxa aan aad u dareensanahay, qof ahaan, dawlad ahaan iyo
xisbi ahaanba muhiimadda ay leedahay caddaaladda iyo garsoorku iyo hawsha,
dhibta iyo adkaysiga ay qabaan dadka maanta caddaaladda ka shaqeeya ee dhaqaale
yaraanta leh, ee amniga leh ee caafimaadka leh ee ay haddana ugu dhabar
adaygaan inay garsoorka ilaaliyaan, waanan ku bogaadinayaa, intii aannu
joognayna xukuumad ahaan waannu ku dedaalnay inaanu taageerno bahda garsoorka
iyo caddaaladda wixii dhaqaale loo hayo.”
Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay soona
qabinqabiyey dalladda aan dawliga ahayn ee SONSAF, kuwaas oo ka sheekeeyey
muhiimada uu mashruucan u leeyahay bahda cadaaladda.
Barkhad-ladiif
M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa,
Somaliland.